The offensive against Al-Shabaab in Central Somalia

IKHALIIL

Suldhaanka
Mogadishu (HOL) – Somali government forces, with support from international partners, conducted an operation in the Mudug region on Wednesday, killed at least 30 al-Shabab militants, according to government sources.
The Ministry of Information of the Federal Government announced in a press statement that the operation occurred in the Arfuuda area, located approximately 20 kilometers from the town of Harardhere.

The joint forces targeted two key centers during the operation: one used by the militant group for organizing attacks in the Mudug region, and another where they were preparing explosives.
The operation follows closely after government forces in the Hawadley area of the Middle Shabelle region thwarted an al-Shabab attack the previous day. The involved mine explosions and intense fighting, marks the third attempt by al-Shabaab in the Hawadley.
This happened yesterday
 
Last edited:

IKHALIIL

Suldhaanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsafaxaadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah.

Howlgal oo lagu beegsaday saddex goobood oo ku yaalla deegaanka Tabar-mooge oo waqooyi kaga beegan degmadaasi, halkaas oo ay isku uruursanayeen xoogaga Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu laayay in ka badan 70 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna dhaawacay 30 kale oo kamid ah kooxda.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, 25 April, 2024: In ka badan 70 Khawaarij ah ayaa lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.


Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu jabiyay Khawaarijta hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah wadanka, waxaana ka go’an dowladda in la sii xoojiyo bartilmaameedsiga Khawaarijta ilaa dadkeenu xor ka noqonayaan cadowga ku soo duulay.

-Dhammaad-

FB_IMG_1714042315754.jpg
 

Trending

Top