"My turn to eat" Says the not sharif Hassan

Status
Not open for further replies.
IMG_5501.jpg
Its Digil and Mirifle’s turn to be president, Shariff Hassan says
I have nothing against Digil and Mirifle tribe but anyone expect this wannabe Ethiopian. He is pro Ethiopia without any conditions, who allows teaching Amhara in his state. even last summer the Ethiopian soldiers used to collect taxes from the locals in his state.
 
news »

dawlada itoobiya oo shariif sakiin u dhiibatay maamulka bay
Welcome/soo dhawaada waalayaal

wararka foosha xun ee ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in shariif sakiin ay dawlada itoobiya ay si xoog ah ugu dhiibatay inuu xukumo sadexda gobol ee kala ah bay iyo bakool iyo shabeelada hoos, ciidamada dawlada itoobiya ayaa kala cayriyey dad badan oo ka caraysnaa maamulka ay itoobiya ay wadato ee loo dhiibtay shariif sakiin, dawlada itoobiya ayaa shariif sakiin ka soo galbisay magaalada xamar xerada xalane oo xurun u ah dawlada itoobiya, shariif sakiin ayaa ah nin ay si aad ah u taqaano umada soomaaliyeed , kuna caanbaxay musuqmaasuqa iyo isku dirka iyo qaaimul wadani nimada, shariif sakiin oo ah nin ay umada soomaaliyeed uga bartay khayrdaro ayaa la filayaa inuu u adeego dawlada itoobiya, dawlada itoobiya ayaa ku guulaysatay inay maamulkasta oo la samaynayo ay u dhiibato nin ayada u adeega, maamulka xaaraanta ah ee ka jira kismayo ayey dawlada itoobiya horay ugu dhiibatay dhiigyacab axmad madoobe, dawlada itoobiya waligeed kama daalin dhibaataynta shacabka soomaaliyeed , maantayna waxaa ay heshay adeegayaal dhaga fudud oo calooshooda u shaqaystayaal ah oo ay ku yartahay wadaniyada iyo islaanimadu. ugu danbayntii ku biirida shariifsakiin arimaha soomaaliya waxaa ay niyadjab ku keentay malaayiin ruux oo soomaali ah raja ka qabtay inuu soo noqdo hanankii dawladnimo.

soomaaliya sow ma ahan: gaal madow iyo gabare kuu tali ee gumaysigii hore gadaal ugu naqo, Arligaa la kala boobayaa kala itaal roone,Soomaaliya waa dal la kala iibsaday oon nala ogeysiine,Waa dal Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye,Waa dal ninkaad ku aamintaa kuu abees yahaye.
waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com
 
Shariif Xasan oo Shaaca ka qaaday in uu sharaxan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka
1 Jawaab

Guddoomiyihii Saxiixay in Itoobiya soo gasho Soomaaliya oo markale isu sharaxay Guddoomiye Baarlamaanka DFKMG…

Sariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta (May 26, 2010) si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu markale u sharaxan yahay guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG, isagoo iska casilay xilkii wasiirka maaliyadda DFKMG. Waxa uu si rasmi ah u cadeeyey in uu sharaxan yahay waraysi uu siiyey Idaacadda Codka Maraykanka. Ka dhegeyso VOA Halkan.

Shariif Xasan waxa uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka xilligii baarlamaankii Baydhabo ay ansixiyeen in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya. (Si weyn ayaa loo xasuustaa dhibaatadii ay ciidamadaasi u geysteen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Muqdisho.)

Guddoomiye cusub in loo doorto baarlamaanka DFKMG waxay timid kaddib markii uu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iska casilay (ama laga casilay) Sheikh Aadan Madoobe, arrintaas oo sababteedu ahayd khilaaf soo kala dhexgalay madaxda sare ee DFKMG (Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.)

Khilaafkaas oo ilo wargal ah ay sheegeen in uu salka ku hayo xukuumadda oo aan doonayn in lagula xisaabtamo wax qabadkeedii iyo wixii lacago ahaa ee soo galay iyo meesha ay ku baxeen laga soo bilaabo markii xukuumadda lagu soo doortay Jabuuti ilaa hadda. Gaar ahaan xisaabtanka waxaa ugu horayn lahaa wasaaradda Maaliyadda ee uu Shariif Xasan hadda iska casilay – wasaaradaas oo heshiis lacag lagu soo daabacayo la gashay Suudaan.

Baarlamaanka iyo Xukuumadda FKMG…

Baarlamaanka Federaalka ee KMG waxaa markiisii hore lagu soo dhisay shir muddo ka socdey Eldoret/Nairobi, waxaa xilligaas tiradoodu waxay ahayd 275 xildhibaan, August 22, 2004 ayaa baarlamaankaas lagu dhaariyey Nairobi, waxayna xildhibaanadaasi Sept 15, 2004 guddoomiye u doorteen Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Kulamadii ugu horeeyey ee baarlamaanka oo ku shiray Nairobi waxay isla dhaceen feer iyo kuraas, arrintaas oo salka ku haysay in ciidamada la keenayo dalka aysan ka mid noqon kuwa safka hore (deriska la ah Soomaaliya).

Baarlamaanku markii uu uguuray Baydhabo ayaa markale la soo abaabulay sidii cod loogu qaadi lahaa in ciidamada safka hore la keeno Soomaaliya arrintaas oo ay shacabka Soomaaliyeed aad uga soo hor jeedeeen. Baarlamaanka baydhabo si xeeladaysan ayey ugu codeeyeen in arrintaas la ansixiyo.

14kii Juune 2006 ayaa Shariif Xasan Sh. Aadan oo ahaa guddoomiyaha baarlamaanka FKMG waxa uu qalinka ku duugey in Soomaaliya ay imaan karaan ciidamada “safka hore” ay ka mid tahay Itoobiya oo dhul Soomaaliyeed gumaystada ay soo geli karaan Soomaaliya.

Sidaas ayaa Muqdisho waxaa ku galay ciidamada gumaysiga Itoobiya ayagoo ku doodayay in ay haystaan saxiixa guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG.

Warqaddii uu saxiixay Shariif Xasan waa tan.

January 17, 2007 ayaa Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG waxay yeesheen kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyahii baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay isagoo diidey go’aankaas baarlamaanku aqlabiyadda xilka kaga xayuubiyeen.

Waxaa markaas guddoomiye baarlamaan loo doortay Sheikh Aadan Madoobe.

Januray 28, 2009 ayaa magaalada Jabuuti waxaa lagu kordhiyey tiradii xildhibaanada DFKMG ayadoo la isku daray xildhibaanadii hore (275) iyo 275 xildhibaan oo lagu soo kordhiyey, kuwaas oo ka socdey Isbahaysigii “ARS”, sidaasna tiradii xildhibaanada laga dhigay 550 xildhibaan.

Baarlamaanku waxa uu u guuray Muqdisho. Guddoomiye waxaa sii ahaa Sheikh Aadan Madoobe. Waxyaabahii ugu weynaa ee soo wajahay baarlamaanka Muqdisho waxaa ka mid ahaa in ay ka hor tageen heshiis ay xukuumaddu la soo gashay Kenya oo ku saabsanaa badda Soomaaliya. Augoosto 1, 2009 ayaa baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in heshiiskaasi uu ahaa waxba kama jiraan. Markii dambe qaramadda midoobay waxay aqbashay go’aankaas baarlamaanka, heshiiskaasna ka dhigtay mid aan la cuskan karin oo ah NULL & VOID.

Sheikh Aadan Madoobe inkasta oo uu muddo ka cagajiidey in uu cod u qaado heshiiska Is-afgarad, laakiin markii dambe baarlamaanka ayaa cadaaddis ku saaray in uu cod u qaado. Kulankaas ayaa baarlamaanku ku xirmay ilaa laga soo gaarayey bartamihii bishan May 2010, markaas oo kulankii xigey ay baarlamaanku yeesheen oo la sheegay in xilkii ay ka qaadeen Aaden Madoobe.

Laakiin Sheikh Aadan Madoobe waxa uu sheegay in uu iskiis isu casilay May 16, 2010. Arrintaas oo ay ka horeysay in guddoomiyahu uu sheegay in la kala diray xukuumaddii Cumar C/rashiid, ra’iisul wasaaraha DFKMG uu arrintaas diidey. Waxaa ku xigey in Sheikh Shariif sheegay in xukuumaddii la kala diray oo uu soo magacaabi doono ra’iisul wasaare, arrintaas oo Cumar C/rashiid uu ku gacan sayray. Waxaa durbadiiba go’aankaas Sheikh Shariif ku taageeray Walad Cabdalla oo isla markaas kula taliyey Sheikh Aadan madoobe in uu ku soo biiro golaha wasiirada ee la magcaabi doono. Laakiin markii Cumar C/rashiis sheegay in madaxweynahu uusan sharci u haysan uu xilka kaga qaadoo ayaa Sheikh Shariif ka laabtay go’aankaas in xukuumadda la kala diray (inkasta oo wararka soo baxay aay sheegayaan in khilaafkaasi aan la xallin).

Waxaa jira warar kale oo laga helayo ila wargal ah oo tibaaxaya in xukuumadda DFKMG ee Sheikh Shariif aysan ka quusan in ay meel mariso heshiiskii ay la gashay Kenya, sida keliya oo arrintaas ay ugu suurta galaysaana ay rumaysan yihiin in ay tahay in baarlamaanka loo doorto guddoomiye arrintaas hirgelinaya. Waxaa xusid mudan in Wasiirka Xannaanada Xoolaha DFKMG uu shirkii Istanbul (May 21-23, 2010) ka sheegay sidan: “Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (3333) km, sidaas daraadeed waxay leedahay aag ganacsi oo aad muhiim ugu ah” laakiin aan cabirnayn (Waa Aagga Ganacsiga badaha ee loo yaqaan Exclusive Zone (EEZ)) – Wasiirku waxa uu hadalka ku xoojiyey “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.”

Isku soo duub oo baarlamaanka Muqdisho waxa uu u muuqdaa mid aad uga duwan kii hirgeliyey in ciidamada gumeysiga Itoobiya soo galaan dalka. Waa baarlamaanka is hortaagey qorshahii xukuumadda ee ahaa in heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa Walad Cabdalla ee la doonayey in baylah lagu geliyo badda Soomaaliya. Waxaa hadda looga fadhiyaa in ay doortaan guddoomiye daacad ka ah arrimahaas, oo aan ku jirin wax tuhun ah.

.. Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran

Share:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: xildhibaan

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

Cognitivedissonance

A sane man to an insane society must appear insane
Stay WOKE
VIP
Tell that to the Liyuu bolice who should be expanding westwards and regaining a stable Galbeed with the Isaaq, Karanle Hawiye, Issa, Sheikhaal, Garre and other lost Dir Oromo clans that we should re-somalize them.

Mashallah to Beesha Issa who have gained back our former lands in Awash river, may allah bless them and may the unite with the Karanle in regaining our lands back from the pagan oromos who are backed by ethiopia.
Cagtaa hoosteeda cadow foqol cadow meesha waa ogadenia the rest are merely guests.
 
Galaeri

USC | Ururka Bililiqada iyo Kufsiga
:mjlaugh: 4.5 got niggas thinking the presidency is like a ps4. You don't take turns playing this shit.

I am hoping a good man somehow becomes a dark horse and beats the mooryan candidates and fat boy. :mjkkk: I am hoping the turks are looking out for us in this one.
 
If an Ogaden were to run for the President of Somalia the entire Somali clans would go up in arms; screaming, "hoognayeey ba'nayeey he will hand us over to Ethiopia", while this crossed eyed uneducated bafoon can freely run for presidencey even though he doesnt hide his love for Ethiopia. You know what i,m beginning to think that Somalis really truely deserve to suffer.
 
No not all Somalis just the southern
 
Warsame Ali

[ S. N . F ]
This is very SAD. I knew Somalia going to be under Amahara's ass. Even Saudi Arabia and other countries says that.
 
news »

dawlada itoobiya oo shariif sakiin u dhiibatay maamulka bay
Welcome/soo dhawaada waalayaal

wararka foosha xun ee ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in shariif sakiin ay dawlada itoobiya ay si xoog ah ugu dhiibatay inuu xukumo sadexda gobol ee kala ah bay iyo bakool iyo shabeelada hoos, ciidamada dawlada itoobiya ayaa kala cayriyey dad badan oo ka caraysnaa maamulka ay itoobiya ay wadato ee loo dhiibtay shariif sakiin, dawlada itoobiya ayaa shariif sakiin ka soo galbisay magaalada xamar xerada xalane oo xurun u ah dawlada itoobiya, shariif sakiin ayaa ah nin ay si aad ah u taqaano umada soomaaliyeed , kuna caanbaxay musuqmaasuqa iyo isku dirka iyo qaaimul wadani nimada, shariif sakiin oo ah nin ay umada soomaaliyeed uga bartay khayrdaro ayaa la filayaa inuu u adeego dawlada itoobiya, dawlada itoobiya ayaa ku guulaysatay inay maamulkasta oo la samaynayo ay u dhiibato nin ayada u adeega, maamulka xaaraanta ah ee ka jira kismayo ayey dawlada itoobiya horay ugu dhiibatay dhiigyacab axmad madoobe, dawlada itoobiya waligeed kama daalin dhibaataynta shacabka soomaaliyeed , maantayna waxaa ay heshay adeegayaal dhaga fudud oo calooshooda u shaqaystayaal ah oo ay ku yartahay wadaniyada iyo islaanimadu. ugu danbayntii ku biirida shariifsakiin arimaha soomaaliya waxaa ay niyadjab ku keentay malaayiin ruux oo soomaali ah raja ka qabtay inuu soo noqdo hanankii dawladnimo.

soomaaliya sow ma ahan: gaal madow iyo gabare kuu tali ee gumaysigii hore gadaal ugu naqo, Arligaa la kala boobayaa kala itaal roone,Soomaaliya waa dal la kala iibsaday oon nala ogeysiine,Waa dal Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye,Waa dal ninkaad ku aamintaa kuu abees yahaye.
waad ku mahad santahay booqashada webka ilays.com //<:. <>Thank you for taking your time our website/ilays.com
lagala soo xiriira// ilaysnews@gmail.com

@HashiBarre
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top