Yet Another Al-Shabab Attack in Gedo

Status
Not open for further replies.

Yonis

Puntland Youth Organiser
FKD Visionary
VIP
ceelwaaq1.jpg


AL-SHABAAB OO QARAXYO IYO DAGAAL TOOS AH KULA WAREEGAY CEEL-WAAQ


Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Ethopia iyo Al-shabaab in uu haatan ka socdo magaaladaas.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu dhuftay afaafka hore ee xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin dhanka koonfureed ee magaalada.

Weerarka ismiidaaminta kadib dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku diyaarsanaa goobta ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Xerada, kuwaa oo dagaal toos ah la galay Ciidamadii ku sugnaa xiradda.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qarax labaad laga maqlay gudaha xiradda.

Xaaladda magaalada ayaa Saaka ah mid kacsan waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin isku socod iyo dhaqdhaqaaq toona oo ay sameynayaan dadka magaalada.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo dagaalka lagu qaaday xerada Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Garbahaarey.

Warar hadda soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ay la wareegeen.


http://puntlandpost.net/2017/09/16/al-shabaab-oo-qaraxyo-iyo-dagaal-toos-ah-kula-wareegay-ceel-waaq/
 
Alshabab is a criminal cartel like organization we won't ever defeat them without a strong offensive done at ones fing BASTARDS they are such a waste of space wallahi.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top