Waa Tuma Ikraan Tahliil Faarax?
Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.
Ikraan ayaa shan, sano ka hor ku biirtay Hay'adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, waxayna ahayd Madixii amniga internet-ka ee hay'adda NISA.
waxay si rasmi ah ugu biirtay Hay'adda NISA Sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad-Sugida Sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi SanBaloolshe.
Ikraan Tahliil waxay ka shaqo billowday xafiiskii Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.
Dhimashadii Guddoomiyahii Gobolka Banaadir Eng, Yariisow AUN, kaddib Ikraan Soomaaliya ayay ka baxday iyadoo aaday Dalka Ingiriiska.
Hay'adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Xogo culus ka qabatay Ikraan Tahliil biloow ilaa dhammaad dhimashadii Eng, Yariisow kaddib oo tuhun dhashay.
Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Ikraan Tahliil ay ku sugan tahay Dalka Kenya nolol ama geeri ma caddayn karno balse Ikraan waxaa la xaqiijiyay in ay u shaqaynaysay Shaqsiyaad Siyaasiyiin ah markii xogta oo dhan Taliska Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka uu helay ayaa la abuuray qorshe kiiskaan looga Gaashaaman karo, Xogo Culus ayaa ka soo baxaya Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Xogta oo dhana waxaad halkan kala socon doontaan 18-ka bisha 9-aad oo ah Maalinta Shirka Guddiga Amniga Qaranka Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka Sollas Media