What a Shame

Xafladii Bahir-dar iyo Xanuunkii Soomaalida

Waligay ismaan lahay Mustafa sidan ah! Walhii Ax!

Tariikhdu markay ahayd 1994, waxa shir lagu qabtay magaalda Toronto ee Dalka Kanada. Ururkii ERGO (Ergada Watashashig Soomaaliyeed) ayaa abaabulay. Aasasayaashi ayaan ka mid ahaa, Waxa kale oo ka mid ahaa (Prof Said Samatar (AU), Ali Khalif Galydh, Max'd Saciid Toogane, Dr. Ali Cabdiraxaman Xirsi, Dr. Maxamuud Taani, Maxamuud Nine, Dr. Amin Adan). Waxa marti galinta Kanada horumood ka ahaa saaxiibkay Abdiraxmaan Xoosh(AU).

Professor Saciid Samatar ayaa qudbad qiiro leh ka jeediyey. Waxa uu soo tibaaxay halgan-cilmiyeedkii aqoonyahanada Soomaalida iyo ku itoobiya u dhaxeeyeey mudo dheer. Isaga oo Ilin ku soo taagantahay ayuu sidan yidhii:

“Professor Masfin Welde Mariam, oo ahaa ninkii qoray buuga la yidhaa, “Soomaaliya: cunigii Caasiga ahaa ee Afrika” maata wuu iga adkaaday guushiina wey raacday. Itoobiya wa dhisantahay waanay sii socotaa. Somaaliyase way duntay; wey burburtay! Af aan kula doo tamo igu ayeel intuu yidhii, uu boogtiisii laabtay ayuu masraxii ka boqoolay.”

Dad badan oo ilmaynaya, qaarkoo lixdan jir ahaayeen ayaan u jeeday.

Inagana maanta waxa iga guulaysta Fiqru Tolosa (oo qudbadiisa turjumadeedi qoraalkan ku jirto – waa ninka lixaad) iyoo Axmaaradii islweynayd een mudo dheer la soo tootamaynay. Fiqru Tolosa waxaan wax ku wada qori jirnay Ethiopian Review. Xiligaas aniga runtii ka adkaa, mantase waxa Bahir-dar ka dhacaa ii jabiyey.

Dad badan ayaa iga codsaday in aan si kooban inta nuxurka ah ee vidiyaha Bahir-dhar u turjumo. Sababta aan isgu xilqaamayo inaba arintan shaqsi ma aha. Waa dareen laxejeclo ah oo ku addan qadiyada Soomaaliyeed. Waa qadiyad aan is idhii xaladii Bahir-dhar wey ku xad gudubtay, Kusim MW Mustafa Cumar ayaana masuul ka ah.

Masraxa dhowr qof ayaa ka hadlay. Oday Soomaliyeed oo kaliya ayaa taraxayey – Suldaan Ina Duulane. Waa kuwan hada ladoodii oo kooban:

1. Kan ugu horeeya oo la yidhii waa xabashi Soomali waxba ka soo qaadi ma lahayn oo waxa looga dan lahaa in la muujiyo in Axmaro iyo Soomaali isku milmeen. Shaqsigani waxa uu aad u amaanay sida hada Amxaarada DDS ku nooli ay u raysatay. Hadalkiisa waxa uu ku soo gunaanaday in Kusime MW Mustafe Cumar (KMMC) uu simay qabaailka Soomaalida gudahooda iyo shuubta Itoobiya ee DDS ku nool iyo Soomaalida. Maanta waxaanu la xaquuq nahay Soomaalida, ayuu sheegay.

Waxa uu ka sheekeeyey in ay dagmooyinka Jigjiga wax ka xukumaan. Waxa uu ku faanay in Axmaarada Jigjiga dagani ay labadii bilood mar la kulmaan KMWMC.

2. Waxa intaas xigay ka qaybgalihii labaad oo ahaa Axmaar kuwa maylka adag ah. Waxa uu tibaaxay qarnigii 19aad iyo sida ay Soomaalidu Itoobiya wax uga dhiseen uguna ciidameen. Waxa uu soo qaatay maamulkii suubanaa ee Ras Meknn 1890hii markii uu Harar qabsaday. Markuu Ras Mokonen Harar qabsaday ayuu yidhii, waxa uu assibay maamul waafi ah oo fiican iyo booliis casri ah. Booliskaa qayb ka mid aha oo Soomali ilalo ahayd ayuu Raas Mekone had-yad ahaan ugu diray Minilik oo Addis Ababa joogay. Sifiican ayey Minilik iyo Addis Ababa ugu ciidameen ilaaladii Soomalida ahayd (Sumale Zabanyooch). Waa Soomaali Minilik jacely darteen naftooda u hurtay waa sida hadalka loo dhigee.

Xaga kale waxa uu ku nuuxnuuxsaday in balabaadada iyo dawladii Ras Mekonin si fiican uwada shaqayn jireen. Anaka oo kaliya maanaan ilbixin gobolka ee waa lawada ilbixiyey (Bijaajin maqnaad say hon, abran aqanan meaning, We both civilized Somali area! what a colonial language!) ayuu yidhii.

Sheekadii Grimme Neway ayuu ku soo gabogabeeyey. Taasi in ninka Girmme Neway la odhan jiray oo Soomaali ka yar naxay wey jirtay, laakiin nankaas hadalkiisu bah dil, yasid, iyo liid uu taariikhdii Soomalida ku riday ayaa aad iidanaqday.

Ka dar oo dibi dhal! Wax u sheegay, isaga oo is leh taariikhda intii Tigreega ka horaysay ay fiicnay waxa uu inoo sheegay sidan: wixii ka horeeyey 1983 tirsi-tariikheedka Itoobiya waxa Soomalida iyo Axmaarada ka dhexeyey “Is-aaminaad.” Hase yeeshee, wixii 1983 ka ka dambeeyey wax iskukeen haya wax layidhaa “contract" ama xeer qaran. Waxa u ka wadaa markii hore dad isjecel oo walaalo ah ayaan ahayn, hadase dawlada ayaa isku keen haysa. Sidii hore ayuu u hanqal taagayey isaga oo ka dhigaya in dhibta hadeer la abuurayo. Intaasoo dhan KMWMC iyo wafdiguusu sac ayey tumayaan.

3. Oday sadexaad ood moodo in uu ku takhasuso taariiikhda kiiniisada Itoobiya sida ay u turjunto taariikhda Geeska Africa ayaa ku xigay. Horaan magaca Mustafa yaau akhriyi garanwaayey. Mustate ayuu ugu yeedhaty. Odaygani ood moodo in weli ku jiro 1950hii markii Axmaaro arliga xukumi jirtay ayaa magac maamus addunka ku leh soo qaatay: Mandela, Gandhi, … waxuu wadaba waxa uu inagu dhirbaaxay “Dhagmawi Minilik,” ama Minilkii labaad. Wax uu ahaa ayuu yidhii caadil xaquual insaanka ku saliya. Mustafa waxa uu la mid yahay Minilik ayuu yidhii (Walaahi markaan halkaa marayo madaxaa iwareeray!).

Waxa uu raaciyey: Axmaro iyo Soomaali wey isdhaldhaleen way isku milmeen.
Markaan bartaa marayo ayaan Tylanol u baahday oo go’aansadayna in aan inta kale dib idiin ku dhigo.

Walaahi Inta kale ka sii daran. Waxaan rajaynayaa in lagu dhagxyeeyo ninka Suldan Duulane ka turjumahay (waa kii Admiralkana ka turjumay) jigjijga markuu yimaado. Suldaanku inta karaankii waa iska celiyey laakiin Mustafa iyo ninka had iyo jeero turjubaanka u ah ayaa kas iyo ogaan ka been sheegay fariinta meelo qaarkeed waafiga la ahyd ee Suldaanku ku celceliyey. Wax buu dareemay Suldaanu!

Lix qof oo KMWMC ku jiro ayaa ii hadhay ee waa inoo bari.

Weli waxa hadhay ama ino laaban ka yidhii Muqdiahi waxay u taahantahay boqor axmaar ah oo Muqdishu xukumay oo la odhan jiray Muqadish.
 
Qaybtii Labaad - Turjumaada Vidoegii Bahir-dahr

Xafladii Bahir-dhar iyo Xanuukii Soomaalida

1. Waxa taariikh canderburqash ah ku dheeraaday Dr. Figru Tuluso. Dr. Fiqru waa baadari ku koray Dirdhabe tacliintuusuna u badan tahay masiixinimo ama theology. Waxa uu kaga dhawaajiyey sheeko baraleydii Axmarada ee 3000 oo sano. Fiqru waa nin aanu Ethiopian Review was kuwada qori jirnay 1990dii

Waxa uu kaga dhawaajiyey “Gidigeen Ethiopjan ayaan u dhalanay. Yeel ama diid gidi Itoobiyan ayaan nahay." Awald Balaalbaad Itoobiyan ayuu ahaa; nugus Maqaadish ayaa Muqdisho xukumay. Nabi Ciise Radiyaalahu Canuhu intaanu dhalan mudo sando badan ah Itobiyaan ayaa loo sii sheegay. Waxa uu ku celceliye Israel intaanay caloolgalka Ciise maqal Itoobiyaa loogu soo waxyooday. Waxa uu ku daray 12 boqor oo Itoobiyaan ah ayaa xukumay Muqdisho, Barbera, Suudaan iyo meelo kale. Garo oo waa laba iyo tobaankii Rer Bani Israaiil. Waxa uu ku butaacay in Dhulka Soomaaliyeed oo dhan intaanu Talyaanugu iman ay Itoobiya lahayd.

“Berbara waa baahur bar” ama albaabkii bada ayuu ku micneeyey. Ogaden iyo Somaliya intanay talyaanigu qabsan, Itoobiya ayay ahaayeen. Soomaaliyana hooyadii Itoobiyaa laga jarey ee halagu soo celiyo hoygeedii – waa itoobiya e garo.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanay Soomaliya xoriayad hesheen hadaanay ahyn Xayla Selase iyo Minase Xayle oo arimaha dibada ahaa (Garo oo waa markay Itoobiya lahay Soomaaliya halagu daro Itoobiya Xaylena aad ugu dadaalay arintaas). Wuxuu ku soo gunaanaday “dhiigayagu waa isku mid aa hygayaga ayaa kala duwan.

2. Waa arinta uu Suldaan C/Raxman Duulana liqi kariwaayey. Arintaas iyo kuwa kale oo ku aadan Axmed guray Suldaanku wuu ka dagaalamay. Laakiin Inkaar qabe Mustafa u shaqeeya oo had iyo jeer turjumaad qaldan oo badheedh ah ka bixiya ayaa buriyey Suldaanka erayadiisii. Waxa ka mid ah in Suldaanku u sheegay ninka Xabashiga in uu joojiyo taariikhda beenta ah ee uu butaacayo. Waasa laga reebay. Suladaanku wuu dareemay in hadalakiisii la kala xaday waase iska dul qaatay. Waa arintii ku dhacday Admiralka oo kale markii ciidamada ONLF la xereeynayey. Boqolkiiba boqol nikaasi amar Mustafa siiyey ayuu ku shaqaynaye.

3. Qodbadii gaba gabada ahaa ee Kusime MW Mustafa ku soo khatimay waxa nuxurkeedu ahaa in halganka qawmiyaduhu wax tagay yihiin. Waxa dadka Soomaaliyeed ka cadhaysiiyey ama kacdoonka ku keenay waa iyaka oo laga qadiyey iskoolo iyo hosbitalada iyo adeega, ayuu sheegay. Sheekadiisii caadiga ahyd ee beryahan meelahaas uu ka akhriyey ayuu ku soo celiyey (Maqaal English ah ayaan kaga jawaabi doonaa). Waxa Meesha la xoojiyey in cadho yari kal dhex gashay Soomaali iyo Axmaro ee was saa u culisi aanu jirin. Waxa inaba aan carabka la soo marin in Gumaysi qabsaday Soomaalida

Gunaanad: Waxa Bahir-dar ka dhacay bahdil taariikhda Soomaalida iyo iyada oo Soomaalida Meesha tagtay loo la hadlay sida nativeka ama dadka la gumaaday ee wax yari ka soo hadheen. Ayaga oo soo jeeda ayaa tariikhdoodii furush laga dhigay. Mar kaliya erayga in Soomaalida waa guumaysta carabka laguma dhufan. Markuu Mustafa ugu dhawaa waa markuu yidhii waxa kiciyey Soomaalida iyda oo laga la lexejeclaabay dugsiyadii, hosbitaaladii, iyo adeegi gobolada kale helayeen. Xataa Suldaanku afkiisa waa ka dhowraw erayga Gumays. Waxa si cilmiyeysan farta loogu goday kuwa qaswadayaasha ahaa ee “xuquuq” dagaal ku raadinayey.

Kusime Mustafa waxa uu ixasuusiyey 1990hii. Markii kacdoonkii hore ay la tacaalayeen Males, waxa Amxaro is hor wadeen Madamuda Gaas. Maxamuuda Gaas waxa uu ahaa Gudoomiyhii ARDUF ama jabahada xoreynta Canfarta. Waxa lagadhigay xiligaas ninka kaliya ee Itoobiya (Amxaro ayaa laga wadaa) bad baadinaya. Meel kasta uu tago iyo erayga afkiisa ka soo baxa oo dhan sida quraanka ayaa Axmaaro u cabi jirtay. Hada waxa uu MAxamuda yahay xoghayaha hayada xuquuqal isnaanka Canfarta – waa ninkii maalmo dhexdaasa ah u dootamayey Canfartu markay Soomaalida la dagaalameysay.

Mustaf ayaa hadeer Axmaaro ugalay halkii Maxamuuda. Waxaanse hubaa in taariikhda maanta Mustafa iyo waftigiisa loo jeediyey ay Oromo la yaabantahay. Faysal ahaan waxa ii cadaatay (1) in aanu Mustaf culuun badan lahayn, (2) in aanu inaba DDS wakiili karayn laakiin fakarkiisa shaqsi sheegan karo; iyo (3) in laga hortagao burinta ama historical distortion ee lagu wada deegaanka Soomaalida).

Waxaan isweydiinayaa in Xisbiga Soomaalidu la qabo iyo inkale? Mustafa ma kala saarikaraa fakarkiisa iyo DDS dawladeeda, mise Dawladu waa isaga? Waa arima la rabo in la ogaado.

Tolow maxay sidan ugu labiseen??

Waa Bilaahi Towfiiq.

Faisal Roble
 
It felt like I was reading a horror book
Somali academics need to get their act together and fight this historical distortion the injirleey are peddling
 
Last edited:

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
Our ancestors give them a good lesson before. We are ready to give them once again if they try to take any somali land for inch.
 
Last edited:
Top