Not sure how to post FB page on here but i thought i share this post by Ibramim Aideed on FB about Las anod situation.
"Siyaasadii Farmaajo & Garaad Jaamac Garaad Cali oo socon wayday oo mar qudha intay 360Β° jirjir cadka isu rogtay Puntland ku soo ururtay"
_____________________________________________
Sheeko ama arin kastaa siday ku bilaabantay hadaanad la socon waxaa kugu adkaanaya fahamka waxa soconaya.
Dagaalka Laas-caanood waxa uu ahaa mid mudo laga shaqaynayey oo ay hormuud ka ahaayeen kooxdii Farmaajo ee la baxday N & N & weliba xulufooyin ay samaysteen.
Kooxdaasi waxay heshiisyo dhagaraysan ay la soo gashay Dawladaha Jaarka waxaanau qorshaysnayd iyadoo Dawladaha Jaarka garabsanaysa in Somaliland xoog lagu qabto.
Sidoo kale markii ugu horaysay ayey u suuro gashay in gudaha Somaliland ay ku yeeshaan Wakiilo Siyaasadeed oo ay doonayeen in Madax looga dhigo Somaliland kuwaas oo ololihii 2017kii ay Dawlada Qatar & oo Fahad & Farmaajo ay wakiil ka yihiin ay ku bixinayeen lacago badan.
Markii Doorashadii uu ku guulaystay Muuse biixi waxaa la abuuray xaalad la doonayey in Dalka lagu galiyo Dagaal taas oo Bariga & Galbeedkaba laga abuuray Jabhado uu weliba meel fagaare ah kaga faanay musharax ku xigeenka Xisbiga Waddani Maxamed Cali oo Dadka u sheegay inay abuureen Jabhado rajo abuuraya.
Ciidamada Dawladii Farmaajo ay u dirtay Dalka Eritrea waxay u badnaayeen Reer Laas-caanood & Buuhoodle, waxaa la qorsheeyay in Somaliland laga soo galo dhinaca Dhulbahante, Garxajis & Gadabuursi sidaana lagu burburiyo Dawladnimada Somaliland.
Damacii & qorshigii noocaas ahaa waxaa bedalay Farmaajo oo wakhtigii ka dhamaaday & Doorashadii oo lagaga guulaystay.
Markii Dawlada Madaxweyne Biixi ay duufaankii saaxiib Taiwan & Maraykan la yidhaa ay u samaysatay ee la arkay in gushii Somaliland ay socoto ayaa mar kale la qorsheeyey in Dagaalo lagu furo tiiyoo la isku halaynayo Dawladaha Jaarka & Shiinaha.
Xisbiga Wadani oo mar kasta qayb ka ahaa Dagaalka kooxda Farmaajo ayaa si badheedh ah u taageeray Shiinaha halka Dawlada Madaxweyne Muuse Maalaayin Doolar oo loogu balan qaaday ay u diiday qorshaha ay Somaliland ku badbaadinayso awgeed.
Dagaalkii mar danbe ayey kooxda Farmaajo soo qaaday waxaana la inaga soo galay Laas-caanood, waxaa kale oo qorshaysnayd labada deegaan ee Garxajiska & Gadabuursiga oo in badan la isku dayey in ayagana dhibaato laga sameeyo laakiin lagu fashilmay.
Markii lagu guulaystay in Laas-caanood la dhibaateeyo waxaa qayb wayn ka ahaa kooxda Farmaajo & gudida G21 oo dhinaca Somaliland uu Wakiil uga yahay Cabdirisaaq Khaliif
Runtii Dawlada xasan sheekh way fahamtay waxa Laas-caanood ka socdaa in Farmaajo & kooxdiisii N & N ay wadaan waanay ka gaabsatay inay kacdoonka Laas-caanood taageerto Dawlada Federalku.
Weftigii ugu danbeeyey ee Dawlada Ethiopia ay soo dirtay Garoowe kula kulmay Garaadadu waxa uu meesha ka saaray teegeeradii Ethiopia ay ka filayeen, kuwaas oo sidii Xasan Sheekh ku yidhi "Xabada joojiya Somalilandna wada hadla"
Hada Garaadadii Siyaasiyiintii Somaliland ka soo hor jeeday waxay isla garteen in dariiqa kaliya ee furani uu yahay in Puntland lagu biiro taas oo ay ka biyo diideen beesha Jaamac Siyaad oo tidhi "haday Puntland noo tahay waxaa noo dhaanta Somaliland oo aanu ka sii mid ahaano"
Cabdirisaaq Khaliif & Garaad Jaamac Ismaaciil oo ay siyaasadoodu ahayd ta Farmaajo ee ay Puntland ka guulaystay ayaa maanta cidla fadhiya waana sababta Cabdiraxmaan Ciro uu Puntland u eedaynayey ee uu Farmaajo oo arintaba wadayna uu uga gaabsaday.
Hada waxaa la doonayaa in Cabdirisaaq Khaliif oo cidla lagaga guuray la inooga dhigo mid Somaliland u maqanaa oo arinta Puntland ka hor yimi.
La soco qaybaha danbe....
#Al_xaqiiqa