This was the beginning of Laascaanood uprisings.
She was air-lifted from Garowe to Hargeisa, to have a proper treatment. Reer Faanaaye
Qisada :
Ubaxii
Halganka Ku Naafoobay.
Hoodo Lugta Ayaa La Jarayaa Maanta
Gabadhii Liiska Dhimashada Lagu Daray!
.................................................................................................................................
1Jan 2023 Hoodo Abdikarim Adan Waxa ay U ahayd Maalin Madow ,Hoodo Waxa ay Ahayd Gabadh Da'yar Oo Ku Nool Magaalada Laascaanood.
Hoodo Waxay La Kowsatay 27-Jan- Dhawaaqa Xabada ,Qaxa ,Burburka iyo ba'a Magalada Ka socday Waqtigaas.Hoodo yar Waqtigas iyadu Waxa ay Kala Mid ahayd Nolosha Ka jirta Bulshada inteeda Kale Magaalada. Balse Waxa ay Nolosha Hoodo Ay Is bedeshay Halmar.
'1-Jan 2023' Hoodo Waxa ay Ka Soo Baxday Xafada Iyada Oo Nabad qabta Waxa ayna Xafada Usoo Doontay Adeeg Si Ay Xaafada Oo aan Suuqa Sidaa Uga Fogayn Ugu Soo Adeegto ,Waqtigaa Suuqa Waxaa Ka jirey Mudaharaado Xoogan.
Waxaa Iska Hor yimi Ciidamada Somaliland Iyo Shacabka, Shacabka Waxaa Loo Adeegsnayey Xabad Nool Maydka Iyo Dhaawaca Waxaa Daabulayey Baabuurta Gargaarka Deg-Dega ah.
Hoodo Waqti yar Ka dib Waxa ay Suuqa Ka Soo Dhamaysatay Adeegii Ay Xafada Usoo Doontay Waxa Ayna usoo Jihaysatay Xafadii. Mid Ka Mida Askarta Somaliland oo Dadka Laynayey ayaa Xabad Kaga dhuftay Hoodo yar Lugta .Hoodo yar Goobtii Ayey Ku Miyir Beeshay ,Waxaa Soo gaadhay Waqti Kooban Baabuurta Gargaarka Degdega Bishacas.
Hoodo Waxaa Loola Cararay Mid Ka Mida Cusbitaaladii Dadka Lagu Daabulayey Balse Hoodo Oo Dhaawaceedu Ahaa Mid Culus Isla markiiba dhakhaatiirtu Waxa ay Sheegeen in Ay Culustahay Oo Aanay Waxba Ka qaban Karin,
Hoodo intas Ka dib Waxaa Loo Gudbiyey MagaaladaGarowe ,Iyadoona Waqtigas La geeyey Cusbitaalka Qaran Garowe .Hoodo Qaliinkeeda Waxaa Ka qaybgalay 11 Dhakhtar Oo Iskugu Jira Ajaanib & Soomaali ,Dhakhaatiir Waaweyn Oo dhanka Qaliinada ah oo aan Ka xusi Karno Dr shahaado iyo Dhakhaatiir Kale Oo Badan.
La tacaalid badan ,Dadaal Badan Hoodo Rajadeedii Waa Soo Kabatay .Balse Waxa ay Wax walba Is badeleen Markii Lugtii Qaliinka Lagu Soo Sameeyey Ay U Eekaatay Maalmo Ka Dib Mid Aan Rajo lahayn,Hoodo Waxaa Loo Gudbiyey Magaalada Hargeisa Ugu Damabayntii La tashiyo Badan Kulamo Dhakhaatiir badan Waxa Natiijadii Hoodo yar ay Iskugu Soo Biyo Shubatay Oo Ay Noqotay In Lugteedii La Jaro weliba Bowdada LagaJaro Rajo dambana Aysa Lahayn.
Hoodo Waxa Ay Gashay Mugdi ,Waxa ay Ahayd Ubax Soo Ifaya ,Wax Ka barata Dugsiyada Sare ee Magaalada Laakiin, Hada Mid Kamida Lixaadkeedii Ayey Weyday.
Hoodo Maanta Ayaa La jarayaa Lugta Waxa ay Inoo Soo dirtay Fariin In aynu Uducayno, in ilahay Qaliinka UFududeeyo Ugana Dhigo Mustaqbalkeed Mid ifaya.
Hubaal Media.