Update On Recent Operations Across Somalia

IKHALIIL

Suldhaanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaglladii ugu dembeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Afhayeenka ayaa faahfaahintiisa ku bilaabay howlgal ciidanka Danab ay ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale duqeymo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kooxda loogu geystay howdka Ruun-nirgood.

Sidoo kale Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labo sarkaal iyo afar maleeshiyaad ah saacadihii lasoo dhaafay kooxda looga dilay howlgal ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidanka guutada 77 ee ku sugan deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayuu sheegay afhayeenku inay gacanta ku dhigeen gaari Leylo ah oo hub iyo saanad kale u siday kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka ayaa cagta mariyey fariisin ay Khawaarijtu ku laheyd deegaan lagu magacaabo Dhagaxyaale oo dhinaca galbeed ka xiga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Qaranka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgal kale oo ka dhacay deegaan u dhow magaalada Golweyn ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjooge Cabdulqaadir Eenow, kaas oo aad u dhibay dadka deegaanadaas ku nool, ninkaas ayaa la dilay xilli uu xoog xoolo baad ah uga aruurinaayey shacabka.


“Duqeyn ka dhacday deegaanka Cali Xeyle ee degmada Ruunirgood hoos taga ayaa lagu gubay gaari Booyad ah, iyadoo halkaas lagu dilay maleeshiyaadkii watay gaarigaas, duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Baraag Sheekh-caamir oo u dhow degmada Galcad ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah iyo dhagarqabayaashii watay,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaciyey magacyada xubno badan oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo goostay kooxda AL-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.
 

Trending

Top