Ciidamo ka tirsan millateriga Somaliland ayaa maanta ku sugnaa muddo saacado ah degmada Boocame ee gobolka Sool oo kamid ah meelaha ay Puntland ka arrimiso ee gobolkaasi.
qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Boocame yimid ay ahaayeen ciidamada gobolka Sool ee Somaliland, waxayna saacado subaxdii ah ku sugnaayeen hareeraha magaalada, iyaga markii danbena isaga baxay si iskood ah.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Puntland ay dhawaan sheegtay in Boocame ay ka dhiganayso magaala madaxda gobolka Sool.
Haseyeeshee, waxaa la sheegay in Somaliland ay fadhiisimo ku leedahay deegaanno aan ka fogayn Boocame.
Dhinaca kale wali Puntland kama aysan hadlin arrintaani.
Labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ayaa hore ugu dagaallamay Tukaraq iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi oo labaduba ay maamulkiisa sheegtaan.