The plight of Mogadishu

yaa kadeeda xamar bila
U kiraystay qarixiyo
kiiskan aan dhamaanayn?

Yaa kamilay xumahoo
kadab gooynta Somaal
ku fushada danahood ?

yaa kaashada gaalkiyo
Imaaradka kalabka ah
Oo dalkeena kidif jara ?

Yaa kansar sidiisii
karaahyo ahaadoo
umadeena kuuraya ?

Yaa kabashadeeniyo
koboceena neceb oo
kala tuura hamigeen?

Yaa ku naaxa beeniyo
kama' iyo laakiin oo
kaalintiisu madhantahay?

Yaa kuduuda meel baas
Xalane kiraystoo
kibir noo asiibaya ?

Yaa kaar shisheeyiyo
UN noo kulaaloo
danihiisa kaydsada ?

Yaa kallifa umadoo
kaantaroolin 'Hallow' doo
ku sanifa maatada ?

Yaa ku jeestay cunfiyo
kuhaankii qabiilkoo
kaalintoodii gaabiyay ?
 
Top