TALIYIHII HORE EE DARAAWIISHTA PUNTLAND OO GEERIYOODAY

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
waa-cali-baadiye.jpg


Gen. Cali Baadiye

Taliyihii hore ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa (Cali Baadiye) ayaa saaka oo Arbaco ah ku geeriyooday Waddanka Ethiopia.

Alle ha u naxariistee, Gen. Cali Baadiye ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Qabribayax ee dowlad degaanka Soomaalida sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladiisa.

Marxuum Cali Baadiye wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii Dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990.

Marxuum Cali Baadiye ayaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse).

PUNTLAND POST
 

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
6s9a.png


Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10 km qiblada uga beegan Bookh 1948. Magaalada Bayra ayuu qur’aanka kariimka ah ku dhammeeyey halkaas oo uu Dugsiga Hoose ilaa Fasalka 4aad ku qaatay.

1962 ayuu Gaalkacayo ugu wareegay dhammaystirka Dugsiga Hoose oo 5aad ku ekaa iyo 6aad, 7aad Dugsiga Dhexe. Dugsigii Media Centrale ayuu ku dhammaytay 8aad; kaddibna Dugsigii Scuole Media Superiore (Raage Ugaas noqday) ayuu Dugsiga Sare uga baxay.

June 1967 ayuu tartanka Layli Sarkaal ugu baxay Dalkii Midowga Soofiyeeti. Magaalada Odensa ee hadda Ukrain noqotay ayuu Akadeemiyada Saraakiisha, Qaybta Hoggaaminta iyo Farsamada Tanks uga baxay 1970.

Tababarka Commandos ayuu Hiilweyne (Balcad) ku qaatay waxaana loo magagaabay Abbaanduulaha (Taliye Xigeen) Ururkii Tanks-ka Bulobarde halkaas oo uu kula kulmay xaaskii carruurta waaweyn Murwo Shamso Maxamed-Carab Faarax Shuuriye (Beerlula – gabadha heesta Beledweyn loo qaaday).

Horraantii 1973 ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 8aad ee Tankiga Nooca T54 oo dalka ku cusbaa Dararweyne (18 km north of Hargaysa).

1974 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gar-adag taasoo uu Ceelafweyn wareejiyey ilaa maanta propaslkiisii iyo Amar Gobol (Regional Decree) oo Cadde Muuse Xirsi (Guddoomiyehii Gobolka Sanaag silligaas saxiixay.

1976 ayaa loo magacaabay Taliyaha Waaxda Tababarka Hoggaaminta iyo Farsamada Taangiyada ee Kulliyaddii Saraakiisha ee Jaalle Siyaad.

Jan. 1977 ayaa loo magacaabay isaga oo G/Dhexe ah Taliyaha Jabhaddii Liibaan ee Soomaali Abbow, halkaas oo uu qabtay ilaa Caasimadda Gobolka Sidaamo Awaasa oo Nagele 120 km xagga Addis Ababa ka xigta.

Soo noqoshadii Ciidamada Soomaaliya May 24, 1978 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe oo ay Caasimaddu Dujuma ahayd markaas.

Isagoon wali gaarin Dujuma ee Baydhabo jooga ayaa Inqilaabkii Kacdoonka Bulsho ee 9 April dhicisoobey, 10kii April 1978 ayaana laga soo xiray Baydhabo.

Qarqooshkii Kalitaliska Somalia boolida ku haystey waagaas ayaa 30 sano xabsi xaq darro ah ku xukumay kaasoo uu Godka Laanta Buur – Afgooye ku jirey ilaa 18kii Nov. 1989.

Kaddib wuxuu usoo wareegay Gaalkacayo, Ka Xorayntii Gaalkacayo ee USC wuxuu hoggaamiyey Guuto 2aad oo aagga Shilaabo ilaa Balanbal ka saartay USC.

22 Feb. 1991 ayaa Guddoomiyihii SSDF Janan Maxamed Abshir Muuse uga magacaabay Maamulkii Woqooyi Bari Somalia Muddiirka Gaashaandhigga.

Muddadii dibu habaynta wuxuu ka mid ahaa Taliska Xaaladda Deg Degga ah ee Difaaca Woqooyi/Puntland. Wuxuu ka qaybqaatay Heshiisiintii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse iyo Midayntii Ciidamada .

2008 ayaa AUN madaxweyne Cadde Muuse u magacaabay Taliyaha Ciidamada Daraawishta Puntland taasoo uu mudo yar kaddib iska casiley isagoo diidey inuu ciidamo Beelo u qaybsan hoggaamiyo. Intii muddadaas ka dambeysey Difaaca Gobolka Mudug iyo Xasilinta ayuu u go’ay.



Marxuumka ayaa Ku geeryooday Degmada Qabri bayax oo ka sokeysa Xeradii Taarikhiga ahayd ee Garba Case.



Maanta ayaana lagu aasi doonaa Degmada Bokh Gobolka Dollo DDSI.



Waxaana kasoo qayb galay wufuud aad u tira badan.



WQ: Mohamed Indhacadde
 

Trending

Top