Southie reporter release free from jail in Garowe.

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
12c1.jpg

06 Feb 2020 (Puntlandes) Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Khamiis ah dammaanad ku siidaysay weriye, Cumar Maxamed Soomane oo ka tirsanaa Xafiiska Warfaafinta madaxtooyada dowladda Puntland, kadib markii xalay lagu xiray magaalada Garowe.

Cumar Soomane, ayaa shalay laga ruqseeyay Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland, waxaana isla xalay laga qabtay gudaha magaalada Garowe, isagoo xabsiga la dhigay.
Weriyaha oo maanta la horkeenay maxkamadda derejada kowaad ee Garowe, ayaa lagu sii daayay dammaanad 7 cisho ah, inta laga baarayo eedaymo la sheegay in loo haysto, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faaarax.

Xareed oo wax laga weydiiyay arrimaha uu ku eedaysanyahay Cumar Soomane, ayaa sheegay in su’aashaasi laga jawaabi doono kadib markii uu baaritaanku soo dhammaado.

Puntlandes.com
 

Farm

VIP
He’s on bail currently. He will face justice for his crimes though unless he runs back to the south.
 
Top