Askari katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Askariga ayaa waxaa dilay Askari kale oo isla Ciidamada Dowladda Soomaaliya katirsan, kadib markii uu murun soo kala dhexgalay labada Askari.
Goob jogayaal ka mid ah Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in Askariga loo dilay Xabad Sigaar ah,kadib markii uu u diiday Askarigii kale, taas oo sababtay in rasaastii lagu furay uu u geeriyooday.
skarigii dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay in goobta ka baxsaday.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ka howlgalla Degmada Baraawe wali waxa faah faahin ah kama aysan bixin dilka Askariga loo geystay ee ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sikastaba ha ahaate Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxa dhexmara iska horimaad khasaaro badan dhaliya, mana jirto ifafaalo cad oo muujineysa sida Ciidamada arimahaasi looga joojin lahaa.
Dadka u dhuun duloola Arrimaha Milatariga, ayaa sheegaya in askari walbo oo qalad galaya xukun lagu riday,isla markaana Ciidamada looga digo iney Rasaas isku widaarsadaan goobo ay dadka shacab ah ku sugan yihiin,taasina ay tahay xalka kaliya ee arrima Ciidamada wax looga qaban karo.