Hadii aan ku yeelo ra'iygaaga. Somalia waxa kunool qabiilo 20 kor udhaafay, qabiil walba waxa uu leeyahay lafo badan, laf walba lafo kale ayey leedahay. Waxa meeshaas kasoo baxaya 100 qowmiyadood oo isneceb. Sideeh 100 qowmiyad oo midna rabin mid kale iney u taliso u xalin kadhaa?
Arinkan qabiilada wadamo badan baa hore oogu soo fara gubtay. Marka ma waxaad rabtaa in aanu kusoo celino qaladaadki ey wadamo badan horey oogu gubteen. Japan, Scotland, Saudi Arabia, Turkey, Russia, Mexico iyagoo dhan qabiilo bey boqolaal sano kudhka iskaga jarayeen, cadaw shisheeye nah markuu kusoo duulo ey noqon jireen waxarihii marba mid waraabuhu cunay, ileen waa dad iyaga isnecebe.
Hadalkaagu ma yeelanayo macno aan aheyn shisheeyahu siduu doonto ha inaga yeeshee, siduu doono ha inoo duleystee, un Somaliga aan iska tiirsho oon meel iska saaro. Maanta Somali ceel biyah ama neef ari ah bey kumanaan iskaga leysaa, se ajinabiga oo nuclear waste, plastic waste, terrorism, economic terrorism, poisoning ku sameynaya ma kala jecla waligaa ma aragtay qabiilo Amisom weerar ku qaaday, qabiil ka fal celiyo drone attacks west ga ma aragtay, qabiil dhagarta carabta ka fal celiya ma aragtay, qabiil ka hadlayo xasuuqi Ethiopia 2006-08 ey koonfurta Somalia ka geysatay ma aragtay?
Somalida in ey iyagu is cadaaweystaan will only lead into our extinction.
Some of you are hate filled by your lying low iq parents, over exaggerated the evils of other qabiils.
Clan nations is impossible, given the land mass of current Somalia and how one clan lives in all over Somalia.
Si fiican u maqal , xumaan ha u arag ,
Sanad walba sheekada wey si xumanaysa, marxalada maanta aan ku jirno wey liidata waxay na matashaa wixii ee dadku 91 isku galeen oo kale, marka xaalada dalkeena waa dhigada
Marwalba waxaad mooda in cajilada dhib lagu soo celinayo, REPLAY isku samayo.
Waa nasiib xumo in waxaan tusaale laga qaadin, la iska dhegatiro
quus kamaysaan qaadan wixii na soo maray , dadkeenu kama waantoobin takoorida , waayo arag na mabo jiro
siyaasada na qareer waaye, sinaan ma jirto , cadaalad ma jirto, dowlad tayo leh iskaba dhaaf , nin walba jago heya waa calooshiisa u shaqayste , qof daacad dalkiisa matala waa ay ku yar tahay Soomaalida idil
Somalia wey dhimatay , dadku na kala dhintee ,
waanu ognahay in ku dhawaad 20 qabiil kala duwan ku nool degaano badan , intaas oo lafaf iyo jilib u kala baxaan hadii aan tiro koob samayno waa ay sii badanayaan, run ahaanti qiyaas fiican kama bixin karno xitaa hadii aanu baadigoob ku samayno , qolo walba oon weligood la maqal ayaa soo wada shaacaya
taasi na inkiri mayno, waa wax yaabaha sababay ama dhalisay colaada iyo dagaalada sokeeye, nin walba ku abtirsada awoowgiis wuxuu ku jira tartan culus
Inta aanu ku jirno naceybkaan tiradaan la'eg wey inaga tambadisay umadaan , umalayn maayo in dalkeena ku aragno isbadal
Ama horumar gaarno iskaba iloow la tartanka aduunka , waayo waanu dhib dhacnay qarniyo weliba
Ma maqashay Maahmaahdaan
"I, against my brothers. I and my brothers against my cousins. I and my brothers and my cousins against the world"
Soomalida waa wada sidaas oo miiran sxb