Somaliland oo diiwaan gelineysa madarasadaha quraanka 
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay ku diiwaangelinayso madarasadaha Quraanka, isla markaana loogu samaynayo manhaj isku mid ah.
Arrintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in la helo macallimiin tababaran, ardaydana looga ilaaliyo inay ku faafaan afkaar aan habboonayn.
Shir maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta madarasadaha, culimada qaarkood, masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo masuuliyiinta ciidamada Booliiska, ayaa arrintaasi laga shaaciyay.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa markii kulankaasi dhammaaday waxa uu arrimahan ka waraystay Wasiirka wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.
https://www.voasomali.com/a/4755198.html