SOOMAALIYA OO KU BIIRTAY THE HAGUE CODE OF CONDUCT
Midowga Yurub ayaa daqiiqado ka hor shaaciyay, in dowladda Soomaaliya ay si rasmiya u saxiixday Xeer-Anshaxeedka loo yaqaan the Hague Code of Conduct, oo mamnuucaya faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada (weapons of mass destruction).
Soomaaliya ayaa noqotay dowladdii 143-aad ee saxiixday Xeer-Anshaxeedkaas, oo magaalada the Hague ee waddanka Netherlands lagu aas’ aasay 25-kii November ee sannadkii 2002, si loo xakameeyo faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada.
Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ku biirtay dalalka saxiixay xeer-Anshaxeedka the Hague Code of Conduct, waxaana uu dalalka harsan ugu baaqay in ay saxiixan Xeerkaasi, gaar ahaanna dowladaha haysta gantaalaha Ballistic Missiles-ka.
Sidoo kale, Midowga Yurub, wuxuu sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin the Hague Code of Conduct ,islamarkaana dhammmaan dalalka Xubnaha ka ah Midowgaasi Yurub ay saxiixeen Xeerka.
PUNTLAND POST