SomaliWadaniSoldier
Weeping for the Nation of 68
Madaxweyne Xasan oo si adag uga hadlay Heshiis ay wada gaareen Shirkada DPWorld iyo Somaliland
Sep 21, 2016 - jawaab
xasan-sh2-3-150x150Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay Heshiis ay wada gaareen Maamulka Somaliland iyo Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carab oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka Dekada Berbera.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Heshiiska ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo Shirkada DPWorld ee dalka Imaaraadka laga leeyahay uu yahay mid sharci daro ah oo aysan raali ka aheyn Dowlada Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in Heshiiska labada dhinac wada gaareyn uusan aheyn mid sharciyad heysta maadaama aan lagala tashan Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in Shirkada Imaaraadka ay heshiis la gashay Maamul Somalia katirsan iyada oon dowlada aysan soo marin.
”Dekada Berbera waxa ay kamid tahay dhulka Soomaaliyeed waana hanti uu qaranku leeyahay, Heshiiska dhax maray maamulka Somaliland iyo Shirkada Imaaraatka waa mid sharci daro ah maadaama aan lala socodsiin dowlada Federaalka” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Maamulka Somaliland iyo Shirkada DPWorld ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku heshiiyay in Dekadad lagu wareejiyo Shikadaasi ayna ku sameyso dib u dhis iyo qalabeyn ku kacaya malaayiin dollar.
Heshiiska labada dhinac wada gaareyn ayaana cadeenaya in Shirkada DPWorld ay qaadaneyso 65% Dakhliga kasoo xarooda Dekadda halka Maamulka Somaliland uu isna qaadanayo 35% lacagta Dekadda kasoo xaroota.