Somalia and Maamulka Sland to meet in Adis Ababa for talks about Somalia Airspace control

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Interahamwe
VIP
Hargeysa ( Sh. M. Network )-Dowladda federaaka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa lagu wadaa in ay bilaabaan wada hadallo xal looga gaarayo maamulida duulimaadyada Hawada, sida uu sheegay wasiirka socdaalka ee Soomaaliland.

Wasiirka Duulista Hawada ee maamulka Soomaaliland Farxaan Aadan Haybe oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dowladda Soomaliya iyo Maamulka Soomaliland ay wada hadallo ku saabsan maamulida Hawada dhawaan uga furmi doonaan Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Mr Haybe ayaa intaasi ku daray in uu rajo fiican ka qabo in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ay gacmaha dadka Soomaaliyeed ku soo celin doonaan maamulka duulimaadka Hawada.

Balse Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in haddii ay xal ka gaari waayaan labada dhinac uu mid kasto ku dhaqaaqi doono go’aankiisa.

Maamulka duulimaadka ee hawada Soomaaliya ayaa waxaa muddo ka badan labaatan Sano gacanta ku hayay hay’adda ICOA oo QM u qaabilsan dhinaca duulimaadka.
 
Status
Not open for further replies.
Top