CULTURE Somali poets come in

Ninka maanso sheegtoow
Mala-awaal ma fiicnee
Halka aad maraysiyo
arartaad meedaartaa
Macnaheedu waa see?

Muunaadi Qamaan iyo
Midhihii Dhoodaan iyo
Maxamad sidisii
Mahiigaan cartama iyo
Mawjado ma sheegtaa?

Murti lagu maqsuudiyo
Mucda erayo waawayn
Maara-guur lahaynoo
Dadku ay mahiibtaan
Mayaygii Salaan iyo
Raage maad ekaysaa?

Maxamud Caloow iyo
Galayaxii mankiisiyo
Moolka gabay aqoon jiray
Hal ay madal ka sheegeen
Muran li' ku qawleen
Manuus looma baahnee
Miyaad adigu gaadhaa?

Miyir qabe lilaahiya
Mugdi kuma habsaamee
Mid la doortay oo adag
Suugaan muwaashiya
Mullaaxeedu sugan yahay
Sida Caligii mootiyay
Gabay lagu mannaystee
Dadku ay majeerteen
Mulkigiisii oo kale
Sugaan martabad liyo
Ma haysaa masalo dhigan?
 
Waa tix yar oon dhawaan curiyay.Godka maansadu waa jiifto .Gabay iyo geeraar toona ma aha .

Nin waloo fahansan suugaanta Somalida way u furantahay in si cilmiyaysan tixdaa u lafa guraan,turxaan bixiyaan ama comment uu ka dhiibtaan.

Welcome..
 

Nafiso Qalanjo

π–‚π–Š'π–—π–Š π–Œπ–”π–Žπ–“π–Œ 𝖙𝖔 π–œπ–†π–— π–‡π–†π–‡π–ž!
Roses are red
Violets are blue,
A face like yours belong to the Zoo
Dont worry tho I will be there too,
Not in a cage but laughing at you..
plain-white-background (2) (1).jpg
 
Last edited:
Ninka maanso sheegtoow
Mala-awaal ma fiicnee
Halka aad maraysiyo
arartaad meedaartaa
Macnaheedu waa see?

Muunaadi Qamaan iyo
Midhihii Dhoodaan iyo
Maxamad sidisii
Mahiigaan cartama iyo
Mawjado ma sheegtaa?

Murti lagu maqsuudiyo
Mucda erayo waawayn
Maara-guur lahaynoo
Dadku ay mahiibtaan
Mayaygii Salaan iyo
Raage maad ekaysaa?

Maxamud Caloow iyo
Galayaxii mankiisiyo
Moolka gabay aqoon jiray
Hal ay madal ka sheegeen
Muran li' ku qawleen
Manuus looma baahnee
Miyaad adigu gaadhaa?

Miyir qabe lilaahiya
Mugdi kuma habsaamee
Mid la doortay oo adag
Suugaan muwaashiya
Mullaaxeedu sugan yahay
Sida Caligii mootiyay
Gabay lagu mannaystee
Dadku ay majeerteen
Mulkigiisii oo kale
Sugaan martabad liyo
Ma haysaa masalo dhigan?

Did you write this?
 
Top