Somali Music Thread

SuldaanMethylamine

Scheming from Salaxley
Ma ogtahay Siraadeey
caashaqii ni siraayee
sahalka eynu moodnee
inuu na saaqay barigee

Inuu soo kordhaayo
sidyo dabeyliyo
soo kiciye ceeryaam

Oo xaley saqdi dhexe
hurdadii ka salaloo
soo toose dhowr jeer

Safaad ma leh jaceylkuye
waan sidaaye ila qabo
soo dhawow ila qabo
oo ha igu siideyn

Ma ogtahay siraadeey
Somaaliyo idil
uma sidatid quruxdee
habla kula simana jira

Oonan saa u eeginee
waa su'aal kaliga
aan kaga sahansadayee

sababtuna waxey tahay
sambabadiyo beerkiyo
wadnaha iga surantahay

Safaad ma leh jaceylkuye
waan sidaaye ila qabo
soo dhawow ila qabo
oo ha igu siideyn
 
Top