Gen Huud were sneak attacking by SNA and Ethopian army on the orders of Farmaajo by pushing out the HLF forces out of the town and eliminate the threat on before the election.
So far the number of the casualties is unknown and not reported yet, the clash started only two hours ago.
So far the number of the casualties is unknown and not reported yet, the clash started only two hours ago.
Wararkii ugu dambeyay dagaal saaka ka dhacay magaalada Baledweyne
![]()
Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) - Waxaa haatan degan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii shacabka ku dhaqan magaalada aay mar qura kusoo tooseen aroornimadii hore ee saaka dagaal waqti kooban ku dhaxmaray gudaha magaalada Baledweyne ciidamo ka amar qaata hoggaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo ciidamada Booliiska Hirshabeelle kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa qarxay abaare 06:30 daqiiqo wuxuuna si toos ah u dhexmaray ciidamada Booliiska Hirshabeelle iyo kuwa Jenaraal Xuud inkastoo aanan wali la sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay gudaha Baledweyne.
Ciidamada Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa weerarka kusoo qaaday ciidamo Booliis ah oo lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Baledweyne si aay uga hortagaan Banaanbaxyo looga soo horjeeday Hirshabeelle oo lagu waday in maanta aay sameyaan shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne.
Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan Cabdiraxmaan Xuubeey oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sidoo kale inoo sheegay in u jeedada weerarkooda saaka uu ahaa iney xabsiga kasoo dayaan ilaa lix ruux oo dhalinyaro ah oo isugu jira Rag iyo Dumar oo ku xiran xabsiga Nabad-sugida xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.
"Waxaan tixgalinay oo aan aqbalnay codsiyo deg deg ah oo inooga yimid Odayaasha dhaqanka gobolka oo ahaa inaan dagaalka joojino dibna ugu laabano fariisinkeena, iyagana aay ka shaqeynayaan sidii loo soo deyn lahaa dadka gardarada u xiran" ayuu yiri Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan C/raxmaan Xuubeey.
Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan dagaalkii saaka ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com
![]()
Wararkii ugu dambeyay dagaal saaka ka dhacay magaalada Baledweyne
Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) - Waxaa haatan degan xaalada magaalada Baledweyne kadib markii shacabka ku dhaqan magaalada aay mar qura kusoo tooseen aroornimadii hore ee saaka dagaal waqti kooban ku dhaxmaray gudaha magaalada Baledweyne ciidamo ka amar qaata hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka...www.hiiraan.com