Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Cawad ayaa sheegay in gebi ahaanba uu jirin qorshe ay ciidamo ugu dirayaan dalka Liibiya, isla markaana uusan jirin wada-hadal arrintaasi la xiriira oo ay wada yeeshen dowladda Turkiga. "Ma jiraan ciidan aan u direyno Liibiya, Ciidamada Soomaaliyana ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”.
Wuxuuna intaasi kusii daray Wasiirku “Wararka meelaha lagu qoray waa kuwo dacaayad ah oo aan waxba ka jirin, mana jiraan wada-hadal la xiriira in Ciidamo Soomaali ah loo diro dalka libya oo dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga”.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili qaar kamid ah warbaahinta caalamku ay qorayeen in ciidamo Soomaali ah ka qeyb noqonaya dagaalka Liibiya, kuwaasi oo uu adeegsanayo dalka Turkiga oo ciidamadiisu qeyb ka yihiin dagaalkaasi.
Arabs love spreading fake news about Somalia.