“
Ciidanka Galmudug ayaa gaaray deegaanka Bulacle ee hoostaga degmada Ceelbuur.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Fiqi ayaa sheegay in deegaanka Bulacle ay u tageen sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab si looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.
Axmed Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan awood weyn ku laheyn degaannada Galmudug, isagoo xusay in ciidanka dowladda ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay geysanayaan.”
The filthy AS will be removed from GM completely soon I’allah.
