Sheeko gaaban: Aar & Jiir.

Here is a short story; see if you could read it, and from what you might be able to glean from it. Granted this is not written in low level So'ma'li.

/*
Tani waxaa ay ka mid ahayd qisas aan ka xusuusto yaraantaydii ee loo hibeeyo Aesop (Greek mythology), una dhiganta qisaska Luqman al Xakiim.

Aar & Jiir
Aar barqa-leef ah, oo ku nasanaya kayn jiq ah, ayaa waxaa ka soo dul dhacay jiir ambad ah. Cabsi darteed, jiirkii oo garan la' jiha uu naf ula cararo ayaa biday in uu u faranduleeyo dhanka sanqaroorka iyo afka ee aarka.

Aarkii ayaa ku hambaabiray jiiraka, gacan la holladay, deetana qabtay. Jiirkii ayaa calaacal badan kabacdi ka codsaday aarku in uu bari yeelo, iskana sii daayo, una ballan qaaday in uu berri abaalka gudi doono.

Aarkii oo qoslaya, lana yaabban caqliga jiirka, ayaa iska sii daayey.

Maalmo dabadeed, ayaa aarkii oo dhex mushaaxaya kayn, qadhaab doonna ah uu dabin dalaq yidhi. Waa awoodi kari waayey in uu iskii uga baxo, iskuna daray sawrax iyo reen. Duurjoog meel ay joogtaba waa ay maqleen reenka aarka, keliyase waxaa u soo gurmaday jiirkii ay aarku hore isu arkeen. Juhdi dheer kabacdi, jiirkii libin ayaa uu ka gaadhay in uu dabinkii furo, aarkiina sidaa ku badbaadiyo.

Jiirkii ayaa qoslay, kuna yidhi aarkii: 'Hore ayaan kuugu sheegay in aan abaalka gudi doono'.

Biyadhac qiseed: Ficil naxariiseed marna ma khasaaro.
Maahmaah: Abaal nin galaa bada, nin gudaase yar.

Dhammaad.
 
Waa qiso cibro qaadasho mudan.

Walle, inaa kiciyo ee eheed ereyadha qaar.
waa inaa lasoo baxo qaamuuskeyga markaa aqristo qoraalkaaga.

aar- adult male lion
Kayn- bush, forest, thicket
Barqa- I found late morning/lie down (in the late morning) I understand this but not barqa-leef
dabin-maxa laga wadhaa? Waa maqley hadda ka hor laakin wali ma fahansani
Sawrax-qaamuuska waa ka waayey!

Maahmaah: Abaal nin galaa bada, nin gudaase yar.
Does this mean person who does ficil wanaagsan benefits from it themselves later on, but there is rarely a person who returns it? I don’t understand erayga bada.
 
Last edited:
Good man. Oh I see you consulted the good 'qaamuus', rather resourceful, if clever of you.

Waa qiso cibro qaadasho mudan.

Walle, inaa kiciyo ee eheed ereyadha qaar.
waa inaa lasoo baxo qaamuuskeyga markaa aqristo qoraalkaaga.
a) 'Barqa' or 'Barqo', as you sussed out is midday,
b) 'Leef' in general means 'lick', however, when combined with 'barqa', as in 'barqa-leef', then its meaning becomes: 'qadhaabsi doon', or in a hunting state of mind.
Barqa- I found late morning/lie down (in the late morning) I understand this but not barqa-leef
'Dabin' means 'trap', as in laying a trap, when out hunting.
dabin-maxa laga wadhaa? Waa maqley hadda ka hor laakin wali ma fahansani
'Sawrax' is close to 'Reen', which is the nose male lions make when out on a prowl, the difference here being a sense of violence is being conveyed in its form.
Sawrax-qaamuuska waa ka waayey!

Mea culpa, for there was a typograpohical erratum in there, and it should have read:
'Maahmaah: Abaal nin galaa badan, nin gudaase yar'.

And yes, that is the meaning of the proverb 'maahmaah'.

Maahmaah: Abaal nin galaa bada, nin gudaase yar.

Does this mean person who does ficil wanaagsan benefits from it themselves later on, but there is rarely a person who returns it? I don’t understand erayga bada.
Well done, mate. Now it is your turn to compose a short story, even if in a few passages.
 
Good man. Oh I see you consulted the good 'qaamuus', rather resourceful, if clever of you.

a) 'Barqa' or 'Barqo', as you sussed out is midday,
b) 'Leef' in general means 'lick', however, when combined with 'barqa', as in 'barqa-leef', then its meaning becomes: 'qadhaabsi doon', or in a hunting state of mind.

'Dabin' means 'trap', as in laying a trap, when out hunting.

'Sawrax' is close to 'Reen', which is the nose male lions make when out on a prowl, the difference here being a sense of violence is being conveyed in its form.

Mea culpa, for there was a typograpohical erratum in there, and it should have read:
'Maahmaah: Abaal nin galaa badan, nin gudaase yar'.

And yes, that is the meaning of the proverb 'maahmaah'.

Well done, mate. Now it is your turn to compose a short story, even if in a few passages.
Maalin maalmaaha kamid eh baa isku dayi doono haduu Alle idmo. Waa inaa iska soo dhiso xagga qoraalka.

I can’t get enough of maahmaahyo iyo gabayo. We have such a beautiful language!

You don't have permission to view the spoiler content. Log in or register now.
 
Ha ka daalin, waad gaadhiye idan Alle.

Afkeennu waa madi haaneedle ah, ebidna aan gaagixin, walow qawsaaro arxan daran Alle baday (kaftan).

You don't have permission to view the spoiler content. Log in or register now.
 
Last edited:
@Yaraye
Here is the beginner edition.

Libaax & Jiir
Libaax ku nasanaya dhul dhir badan leh ayaa waxaa u yimid jiir. Jiirkii ayaa baqdin darteed damcay in uu cararo, libaaxii ayaase durbadiiba ku toosay sharqanta, gacantana ku dhigay jiirkii.

Jiirkii ayaa u cawday libaaxa, ka baryey in uu sii daayo, wacadna ku maray in hadii uu siidaayo, uu maalin uun abaalka gudi doono.

Libaaxii oo ka helay caqliga jiirka ayaa sii daayey jiirkii.

Maalmo kabacdi, ayaa libaaxii dabin ku dhacay. Waxaa u yimid jiirkii. Dadaal dheer, tacab iyo rafaad kabacdi, jiirkii waa uu ku guulaystay in uu furo dabinka, sidaasna ku badbaadiyey libaaxii.

Jiirkii oo faraxsan ayaa dhoola-cadeeyey (qoslay), kuna yidhi libaaxii: 'Hore ayaan kuugu sheegay in aan abaalka gudi doono'.

Biyadhac qiso (Moral of the story): Wanaag la sameeyo, marna laguma khasaaro.
Maahmaah (Proverb): Abaal nin galaa badan, nin gudaase yar.

Dhamaad.
 
Last edited:
Top