Shabab Ban Hirshabelle Govt To Build Institutions

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
HirShabeelle oo sameysay qirasho yaab leh oo la xiriirta madaxtooyada iyo Shabaab
Asad Cabdullahi Mataan
By Asad Cabdullahi Mataan

October 11, 2020
in Warar



HirShabeelle oo sameysay qirasho yaab leh oo la xiriirta madaxtooyada iyo Shabaab


Jowhar (Caasimada Online) – Jimcihii waxey ku beegneed afar sano kadib markii la aas aasay maamulka HirShabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay maamul gobaleedyada Soomaaliya, taasi oo aheyd 9-kii October 2016.

Afar sano kadib kadib maamulka HirShabeelle waxa uu qirtay in uu jiro masuq maasuq xoog leh, amni darro, maamul xumo iyo dayacaad arrimaha baini’aadinimada ah.

Afhayeen u hadlay HirShabeelle ayaa sheegay in uu jiro masuq maasuq taasina ay tahay mid guud oo ay la qabaan dadka maamullada dalka ka jira. Sidoo kale waxa uu sheegayin Al-Shabaab ay si weyn u saameeyeen gudaha HirShabeelle.

Daa’uud Xaaji Cirro oo ah Afhayeenka maamulka HirShabeelle ayaa qiray in maamulka uu marti geliyay dhibaatooyin badan, oo ay ugu weyn tahay in madaxtooyada maamulka laga dhisi waayey Al-Shabaab.

“Musuq Maasuq waa jira waxaana la qabnaa dalka oo dhan, ma beenineyno in musuq maasuq jiro,” ayuu yiri Daa’uud Xaaji Cirro. “Al-Shabaab waa run, waana naga joojiyeen dhismihii aqalka madaxtooyada, baarlamaanka, wasaaradda maaliyadda wax waan ka qaban weynay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Daa’uud Xaaji Cirro.

“Waxaan qirayaa in waxbadan naga hallaabeen laakiin waxay noo tahay cashir muhiim ah maamul xumada, masuq maasuq iyo amni darrada waxaa keenay inaa nahay UGUB balse afartaan sano ayaa la maan doonnaa Isbadal muuqda hadii aan soo laabano,” ayuu warbaahinta u sheegay Cirro.

Dhinaca kale, Cabdulqaadir Barnaamij oo ah siyaasi ka soo jeeda HirShabeelle ayaa sheegay in HirShabeelle ay guul darro weyn wajahday afartii sano ee la soo dhaafay loona baahan yahay in hadda laga fiirsado dhismaha maamulkaasi, si looga baaqsado guul darro kale.

“Afar sano oo lagu khasaaray ayey aheyd waxaana qabaa in hadda laga fiirsado in deg deg lagu dhiso, waxaan kaloo ku talinayaa in loo dhiibo aqoonyahaano badbaadin kara ee aysan dhicin sidii hore oo kale,” ayuu yiri Cabdulqaadir Barnaamij oo la hadlay Warbaahinta gudaha Soomaaliya.

Muddo xileedka baarlamaanka HirShabeelle ayaa ku ekaa 9-kii October, halka muddo xileedka Madaxweynahana ku egyahay 17-ka bishaan lamana oga halka ay ku dambeyn doonto doorashada billawgeeda doodda ku billaabatay ee HirShabeelle.








 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Good luck Hirshabelle, but your approach is the problem. U need to clean out shabab from inside your people not tolerate them and 'deem' them as 'criminals' with no 'clan' and get all your clan elders to sign this pact that any clan found housing, supporting, financing these khawarij will suffer the consequences. Set up financial intelligence officers that follow the money trail especially suspicious transactions. Collect all clan militias and bring them under one security that is accountable so the arms are now not flowing around. Tell your elders any citizen caught with a weapon in the towns of hirshabelle will be brought before the law.

Begin operation clean out shabab, u know who they r, they are your people U guys need to sit down and declare no-sympathy, no corruption, and make terrorism a crime of highest level.
 
Hiirshebelle is doing a great job considering the difficult circumstances. There are already big development projects in Hirshebelle. So your news is FAKE.

Farmajoo's whole langaab government is Al-shabab. Under his tenure Al-shabab have grown to be more powerful. What I am trying to say is that Darood deliberately arm and finance Al-shabab to keep Hiirshebbele and Benedir weak.
 
Top