second suicidebomber was himself wounded by other suicidebomber lmfao

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Interahamwe
VIP
Waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku saabsan cidda ka mas’uulka ah qaraxii Sabtidii ka dhacay Muqdisho, waxana uu daabacay wargeyska The Guardian in askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya uu ahaa qofkii ka dambeeyay qaraxii galaaftay inkabadan saddex boqol oo ruux.

Weerarkan ayuu wargeyska ku sheegay in uu ahaa mid aargoosi u ahaa weerarkii ay ciidamada dowlada ku qaadeen deegaanka Bariire oo toban ruux oo rayid ah lagu diley.

“Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaariga qarxay askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaasoo ka soo jeeda deegaanka Bariire.”ayuu daabacay wargeyska.

Ururka Al-Shabaab ma sheegan mas’uuliyada weerarkan balse dad ay u qabteen qaraxan ciidamada dowlada ayaa u sheegay dambi baarayaasha in Al-Shabaab ay ku lug lahayd qaraxa sida mas’uul ka tirsan dowlada uu u sheegay wargeyska The Guardian.

Wargeyska ayaa waxaa uu qoraalkiisa sii raaciyay in gaariga yar ay joojiyeen ciidamo ka shakiyay waxaana uu qarxay iyadoo wadihii ay su’aalo weydiinayeen askar,waxana uu ahaa wadihii gaariga nin hore ugu dhaawacmay weerar isqarxin oo lagu qaaday hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdiaho sanadkii 2012kii.



Those who can read somali will understand the story. :trumpsmirk:
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top