Reer burco

Medulla

Bah Qabiil Fluid
What on earth was she doing at @1:00 that is not called dancing abaayo . She treating the stage like a cat walk LMFAO

:deadpeter:
 

Toriye

Sheekhaagu waa kuma?
Ninba wuxu ku taamaa
Ama hees ka tiriyaa
Tixo gabay ku sheegaa
Halka lagu tallaalee
Hawadiisu taallee
Uurkiisu tebayee
Dumar taan ka sahansaday
waa gabadh Togdheeroo
Maxamuudi toox weyn
Saddexqayd ka tolatoo
Tusbax luqunta gelisoo
Tafta darayamuuskii
Taakiyo badh muuqdoo
Sida boqorad taash xidhan
Hadalkeeda tirisoo
Hadba erey tuhuriso
Sidan timo haldhaaley
Ugu tebey hurdada xalay
Anigaba Togdheer baa
Tusku iiga muuqdaa.


Ninba wuxu ka taama
Ama gacan ku taabtaa
Halka laga taftaafee
Burco waxay ku taallaa
Xididdada tin iyo cidhib
Tebinaaya dhiiggee
Dayax taabbaqaadoo
Toban iyo shan joogiyo
Xiddigaha tartamayee
Isku taxay dushiisaa
Tahan iiga hirayoo
Tusmo barashadeediyo
Tarantarinta laafyuhu
Meeshay i turuqdiyo Tawstay
i gelisaa Igu sii tarmaysoo
Sidan timo haldhaaley
Ugu tebey hurdada xalay
Anigaba Togdheer baa
Tusku iiga muuqdaa.
 

Trending

Latest posts

Top