Reer bari Iyo reer karkaar reconciliation

Status
Not open for further replies.

Cognitivedissonance

A sane man to an insane society must appear insane
Stay WOKE
VIP
Waxaa Maanta Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar lagu soo gabagebeeyay Wajigi 2aad ee Shirkii Dib u heshiisiinta ee baho wada dhashey oo shaqaaqo dhexmartey,Barnaamijka lagu Heshiisinayay labadda Beelood ayaa waxaa horay usoo Agaasimay Madaxweynihi hore ee Punland Gen.Cadde Muuse, waxaana horay loo Qabtay hal waji oo la xiriira Wadahadalka Labadda Beelood.

Wajiga 2aad ee Heshiiska Labadda Beelood ayaa Maanta u dhacay Labo Qeybood, Qeybtii hore ayaa ahayd kala Gudoosiinta Labadda Beelood Hanti Geela oo garaysa 83 Tuldood, kuwaasi oo horay loogu Xukumay Labadda Beelood inay is dhaafsadaan, iyadoo lagu Salaynayo Dilalki ka dhex-dhacay Labadda Beelood Bishii la soo Dhaafay ee December-2009.

Madasha lagu kala Qaadanayay Jifida Geela ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihi Hore ee Puntland Md.Cadde Muuse,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan,Duqa Degmadda Qardho Cismaan Buux cali,Aqoonyahano iyo Nabadoono.

Beesha Bahyaaquub (Reer Kulan) waxaa la siiyay Geel gaaraya 50 halaad oo ah Jifida Gabar iyo Wiil ku dhintay Qalalaasihi hore u dhacay, waxaana u Gudoomay Nabadoon Cali Faarax Dhagan, halka Beesha Warfaa cali(Bahdirooble) la siiyay 33 Halaad oo ah Jifida Cali Maxamed Siciid,waxaana u Gudoomay Nabadoon Faarax Bile Cali Faahiye.

Qeybtii Labaad ee Heshiiska ayaa waxaa ay ka Dhacday Hoolka Shirarka Dowladda Hoose ee Degmadda Qardho,Qeybtan ayaa ku saabsanayd Warbixinta Wajiga Labaad ee Wadahadalka Labadda Beelood waxaana ka soo Qeybgalay Ergo ka kala socotay Labadda Beelood,Masuuliyiinta Gobolka,Degmadda Qarhdo,Aqoonyahano,Culuma’udiin,Nabadoono iyo Madaxweynihi hore ee Puntland Cadde Muuse.

Ugu horayntii waxaa hadalka Furay Sheekh Axmed Cawaale oo ka mid ahaa Gudigi Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood isagoo halkaasi ka jeediyay Khudbad Diini ah oo ku saabsan Dilka Xaqdaradda ah iyo Nabadgelyadda,Sheekha ayaa ku dheeraday Muhiimada ay leedahay Heshiis iyo Nabad la gaaro si Barwaaqo loogu Noolaado.

Gudoomiyaha Degmadda Qardho Md:Cismaan Buux cali ayaa isna Halkaasi ka hadlay,Cismaan Buux ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay Heshiiskan ay Gaareen Labadda beelood ee Walaalaha ah,Wuxuuna Gudoomiyuhu ku nuuxnuuxsaday in Magaaladda Qardhoay tahay Goob Nabad iyo Barwaaqo looga Bartay isla Markaana ay hadda Soo dhoweynayaan Heshiiska Labadda Beelood.

Waxaa kaloo Hadal la siiyay Madaxweynihi hore ee Puntland Gen:Cadde Muuse,Cadde ayaa ugu Baaqay Labadda Beelood inay Degenaanshaha Ilaaliyaan isagoo sheegay in Beeshu ilaaliso Nabadda iyo Degenaanshaha iyadoo Xaq dhowraysa buu yiri beelaha kale ee deriska la ah.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa Gudoomiyaha Guddigi Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood Nabadoon Cismaan Ciise Fikad kala Gudoonsiiyay Labadda Beelood Lacag gaaraysa $23,000 iyo $200.

1-Beesha Bahyaaquub waxay heshay Lacag Gaaraysa $8200.

2-Beesha Bahdirooble waxay heshay Lacag Gaaraysa $15,000 .

Si kastaba ha ahaate Dadkii halkaa ka hadlay Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Karkaar,C/quraan Maxamed Aadan iyo Gudoomiyihi Guddiga Xalinta Khilaafaadka Labadda Beelood Nabadoon Cismaan Ciise Fikad iyagoo Dhamaantood ku baaqay in Nabadu ay Qaali tahay,Isla markaasna ay tahay wax lagu farxo in Maanta Labadan Beelood ee Walaalaha ah Gaaraan Hehiis dhab ah.


@DrOsman
 

Cognitivedissonance

A sane man to an insane society must appear insane
Stay WOKE
VIP
Bah Dir Rooble: Sayid Maxamed
Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku noqday:

  1. Bah Dir majnuun inay wada tahaan, marag u haystaaye
  2. Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode
  3. Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere
  4. Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe
  5. Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne
  6. Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso
  7. Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto
  8. Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne
  9. Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay
  10. Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane
  11. Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne
  12. Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso
  13. Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba
  14. Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e
  15. Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede
  16. waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye
  17. Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye
  18. Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye
  19. Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre
  20. Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane
  21. Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye
  22. Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne
  23. Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe
  24. Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne
  25. Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane
  26. Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya
  27. Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha
  28. Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya

http://www.doollo.com/newsite/?page_id=706

:chrisfreshhah:
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
@Cognitivedissonance your reer bari you don't live in karkaar, you fled your lands ya arxan duli, living in other people land. Bah dubays will never leave nugaal. Besides what this mag nonsense got to do with us? Look how they paid only 50 geels. In nugaal waxasi cid ka yeelayso ma jirto. It's 100 geel for a life. Reer nugaal are better off in my opinion
 

Cognitivedissonance

A sane man to an insane society must appear insane
Stay WOKE
VIP
@Cognitivedissonance your reer bari you don't live in karkaar, you fled your lands ya arxan duli, living in other people land. Bah dubays will never leave nugaal. Besides what this mag nonsense got to do with us? Look how they paid only 50 geels. In nugaal waxasi cid ka yeelayso ma jirto. It's 100 geel for a life. Reer nugaal are better off in my opinion
What land did bah dirooble loose? From bosaso to murcanyo from hurdio to hafuun from bareeda to isku shuuban from bargaal to Ufeyn waa illahay mahadiisa boowe

As for qardho its harunta boqortooyoda hada bah dirooble nahay most of the time the mayorship of Qardho goes to bah dirooble like the previous mayor of Qardho was bah dirooble.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top