Imaan Cumar (AHUN) wuxuu ahaa Iimaannadii Abgaal mid ka mida. Wuxuu ka mid ahaa madaxda beelaha Soomaaliyeed ee ku sifoobay wax-garadnimada iyo caddaaladdaba. Waxa maalin u yimid nin ka soo jeeda beel Abgaal dhex degta. Ninkaasi wuxuu ka dacwoonayay in ay niman Abgaal ahi si fool xun ula dhaqmeen isagoo jooga ceel xoolaha laga waraabiyo. Intoo la garaacay ayaa la xidhxidhay, deedna xoolihiisii ceelka ka cabbayay ayaa laga eryay, biyihii uu isagu darka ceelka ka buuxiyayna waxay nimankii ku waraabsadeen xoolihii ay wateen.
Iimaan Cumar ninkii ayuu u loogay dhawr maalmoodna wuxuu marti u ahaa Iimaanka. Markii uu Iimaanku ogaaday arrinta dhacday iyo nimankii falkaa geystay, wuxuu ku baaqay shirwayne Abgaal isagoo u yeedhay dhammaan oday dhaqameedyadii iyo waxgaradkiiba. Iimaan Cumar wuxuu keenay arrin lala yaabay iyo xeer cusub oo an Soomalidu hore u arag. Ka dib markuu xukumay raggii aanada geystay, wuxuu ku dhawaaqay xeerkan:
1.Haddii nin Abgaal ahi dilo nin Nuux Maxamuud ah, ninka Abgaal waxa ku go’aysa inu bixiyo laba magood.
2.Haddii nin Nuux Maxamuud ahi dilo nin Abgaal ah, hal mag oo kaliya ayaa Nuux Maxamuud ku go’aysa.
3.Marka martiqaad iyo duco loo fadhiisto, furitaanka iyo fandhaalka ugu horreeya waxa ugu mudan inu bilaabo ninka Nuux Maxamuud ee munaasabaddaas jooga.
Dulucda xeerkani waa mid qoto dheer oo ka fog aragtida caadiga ah. Waxay ku salaysan tahay in beel laga itaal roon yahay aan dib dambe loogu tuman xaqa dadnimo ee ay leeyihiin. Wakhtigaa Iimaanku talinayay iyo wakhtiyadii ka horreeyayba gobanimada bulshadu waxay ku xidhnayd mudnaanta xeerka cidda ay ku dhex noolyihiin siiyo. Sidaas darteed ayuu Iimaanku go’aamiyay laba arrimood oo kala ah in magta ninka Nuux Maxamuud ay noqoto laba boqol oo halaad iyo in ninka N.Maxamuud noqdo qofka horta afka gelinaya ee bilaabaya sooryada ducada iyo martiqaadka.
Iimaanku awood buuxda ayuu u lahaa inu xeeriyo in Nuux Maxamuud dhulka ka guuro. Awood buu u lahaa inu go’aan adag oo tolkiis u hiilinaya qaato. Habase ahaatee wuxuu si buuxda u aqoonsaday in Nuux Maxamuud ay ka mid yihiin bulshada uu Iimaanka u yahay; wuxuugartay in qof kastaaba leeyahy xaq, xaaraanna ay tahay in lagu xadgudbo. Waxa u muuqatay in haddii N.Maxamuud soo jeesto oo ay mintidaan, inay dhibta iyo dhimashadu badato mooyaane aan cidina faa’iido kala tegeyn goobta dagaalka. Miyaan hore loo odhan:“Mintid fara yar midhihii bataa kama macaashaane”.
Iimaan Cumar wuxuu hor joogsaday in tolkii lagu xanto dad xeer ka dhigtay inay gumaadaan ummadda ku dhex nool; wuxuuu tiirka u taagay qodob kobcinaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay (Minority human rights).
Wuxuu tolkiis iyo Soomaaliba tusay in ugaaska, suldaanka iyo ciddii kaleba dadka ay u taliyaan ay ku jiraan dadka laga tira badan yahay ee dhex deggan tolka ay madaxda u yihiin. Taasina waxay Iimaan Cumar geyaysiinaysaa inu yahay horseed (pioneer) xuquuqda dadka. Nasiib darrada jirtaase dadaalkii Iimaanka maanta Carro Edeg baa cidla dhigtay. Wuxuuu ku farxi lahaa inuu hoyday wakhtigiisii oo aanu maanta noolayn
Falsafaddaas qotada dheer leh ee Iimaan Cumar (AHUN) waxay dhaxalsiisay bulshadii N.Maxamuud inay ku noolaadaan nabad iyo xasillooni ilaa intii laga gaadhayay 1985tii. Muddadaas ka dib fidno kale, ay nabaddii ceel ku ridday.
Balse mid kale oo iyaduna doc kale ka bidhaaminaysa xilka gaarka ee odaynimada an milicsanno.
Xuseen Sheikh Axmed Kaddare oo isna u dhashay Abgaal kuna caan baxay allifaadda fartii Soomaaliga ee loo yaqaanay “Farta Kaddare, Kaddare Script”, kana mid ahaa guddigii afka Soomaaliga ayaa ka qayb galay madal lagu heshiisiinayo laba beelood oo ka tirsan Xawadle iyo Abgaal oo isku dilay tuulooyinka Moqon Kori iyo Miir Tuugo. Wuxuuu Kaddare arkay nin NSStii dowladda ka socda oo shirkii meel dambe ka fadhiya madixiisana daboolaya si aan loo garan. Haddii shirkii cabbaar socday, dooddiina kululaatay ayuuXuseen Kaddare hadalkii qabsay kuna bilaabay tix gabay ah:
Moqon Kori iyo Miir TaqwooySiyeed masalo ma ahadiin
Niman sideey u murqa waynyihiinisu melgaaya ma ahadiin
Maka iyo Madiina niman guboo loo maaran waayay ma ahadiin
Muraadka maanta maha yaalna niman u mooy leh ma ahadiin
Baydkaas ugu dambeeya markuu tirinayay wuxuu farta ku fiiqay ninka NSSta ka socday ee dadka shirka fadhiya isku ekeysiinayay. Marka dadkii wada arkayna orodbuu jaanta rogay.
Ifafaalaha falsafadeed ee Xuseen Kaddare wuxuu ku salaysnaa laba qodob oo muhimad gaar ah u leh nabadaynta beelaha oo tan hore ay tahay: in aanay nabadi iman karin haddii labada reer ee wada hadlaya midkood gadaal laga riixayo oo loo yeedhinayo qodobadda nabadaynta. Taas oo macneheedu yahay beel waliba inay si madax bannaan u sheegato dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan beesha kale.
Aqoonyahanku ma tilmaamin cidda la riixayo mana uu garanayn inay Abgaal tahay iyo inay Xawaadle tahay toona. Wuxuu diidayay inay meesha timaaddo cid aan ku lug lahayn shaqaaqada labada tuulo ka dhex dhacday. Wuxuu ka fogaanayay in shir nabadeed la siyaasadeeyo.
Waxa isku qaban wayday sababta qof dowlad socda oo is qarinayaa u soo fadhiisanayo shirka nabad lagu raadinayo.Kaddare waxba kama qabeen, ayay ila tahay, haddii dawladdu wakiil la ogyahay ay soo diran lahayd. Haddiibase ay soo dirtay ninhaylaamo xidhan, wuxuu go’aansaday “timir laf baa ku jirta”.
Sidaas darteed, wuxuu ku yidhi odayadii shirka tix macnihiisu yahay “Ma garanaysaan ujeeddada meesha maanta ka taagan”, ninka shirka ugu talo galay inuu qalloociyana farta ayuu ku fiiqay. Xuseen Kaddarewuxuuu diiday oo uu si cad u hor istaagay inu Abgaal noqdo ushii Xawaadle lagu dili lahaa. Waa garasho facwayn iyo fikrad qoto dheer oo an ogahay in aanay maanta wax taas u dhgimi karaa iyo wax u dhawi toona Carro Edeg ka jirin.
Arrinta labaad ee falsafadda Xuseen Kaddare waxaad ka dheehan kartaa Gabayga tuduciisa koowaad oo ah: Moqon Kori iyo Miir Taqwooy, iyo beddelka uu ku sameeyay magaca tuulada. WuxuuKaddare ka hortegay oo afgooyay in tilmaan xuni inay garta saldhig u noqoto. Bal si kale u dhigoo, martabada laba qof ama labada qabiil oo kor u qaaddaa miyaanay nabada soo dhawaynayn? Oday nabadeedka iyo kan gar cadaawe waxaa kala fogeeyay oo ay ku kala duwan yihiin indheer garadnimada. Odayga nabaddu wuxuu arkayaatalada maanta la qalloociyaa inay berrito cawaaqib xun foolan doonto. Kan gar cadaawana waxa kaliya ee u muuqdaa waa wixii maanta calooshiisa geli kara ama ciddiisa u dan ah.
Bal isla arrintaas kor ku xusan waxad barbar dhigtaa mid hadda ka socota gobolka Hiiraan gaar ahaanna tuulooyinka Kabxanlay iyo Deefow ee lagu dagaallamay muddooyinka dhaw. Iyadoo aanu shaki ku jirin in dadka Surre ee Kabxanley iyo Deefow deggani ay dhulkaas ku sugnaayeen qarniyo ayaa odyada Xawaadle mid ka mid ahi ku dooday in gobolka Hiiraan yahay gobol Hawiye oo Xawaadlana Hawiye uga wakiil yahay. Taasi miyaanay ahayn arrin ka fog dadnimada, diinta, dhaqanka suubban iyo Soomaalinimadaba.Haba lagaaga badnaadee miyaa lagu odhan kara meeshaad waliga degganayd ka guur. Taasi miyaanay keenayn in la odhan karo Xawaadle Xamar ha ka guuro Abgaal baa iska lehe?
Bal nin seddexaad oo Carro Edeg ka soo jeedana an isna ka faalloodo siduu arrin dhumuc wayn leh u abbaaray.
Cabdullaahi Macallin (AHUN) oo Murusade u dhashay wuxuu ahaa aqoonyahan bartay cilmiga garyaqaannimada. Wuxuu ahaa garayaqaankii Salaad Gabayre difaacayay. Wuxuu ku caan baxay markii ay dacwadda maxkamadeed ee Salad Gabayre socotay lagunasoo oogay inuu damacsanaa afgambi uu Cabdullahi Macallin ugu jawaabay “Haddii afgambi ayuu damacsanaa qof lagu dilayo, waxaa habboon in kii afgambiga ku guulaystay horta la dilo.”
Markii Xamar laga soo saaray warqaddii loo yiqiin “Manifesto” ayaa lagu daray magaca Dr. Cabdullahi Macallin waana loo saxiixay isagoo markaas ku maqan magaalada Ceelbuur. Hadduu soo noqday,wuxuu qoray warqad dheer oo uu arrintaas kaga hadlayo kuna soo daabacay Xiddigtii Oktoober. Qoraalkaa wuxuu ku soo gunaanaday:“Ninka isaga oo aan wax xil ah ummadda u haynin magacaygii been abuur ugu daray Manifesto iyadoo lagaba yaabo hadduu i waydiiyo inan taageeri lahaa, markuu awood madaxnimo helo wax wanaag ah kama sugayo.
Goortii loo diyaar garoobayay shirkii Soodare ee Itoobiya ka dhacay, ayay ilaa dhawr nin oo Murusade ahi u yimaaddeen Cabdullahi Macallin iyagoo hindisaya inu taageero ololaha loogu jiro doorashada madaxwaynenimada ee Soodare ka dhici doonta ciddi Murusade isu taagi lahayd.
Cabdullahi Macallin dhawrkii nin ayuu aad u eegay dabadeedna wuxuu yidhi “Madaxwaynuhu wuxuuleeyahay astaamo gaar ah, lagama maarmaanna u ah marka dad iyo dawlad la maamulayo. Astaamahaasna waxa ka mida in madaxwaynahu ahaado qof yaqaanna kuna dhaqmo diinta Islaamka, xeerarka Soomaalida, kala garanaya Soomaalida iskuna wadi kara, siyaasadaha adduunka iyo sida ay kala tahayna yaqaanna misna lehwaxbarasho iyo takhasus gaar ah. Intiinaas nin ee horteeyda fadhiya yaa astaamahaas leh?” Wuxuu si gaar ah u tilmaamay ninkii ugu cadcaddaa kuna yidhi, “hebelow, adigu saddex wiil oo kula dhashay, oo kula aabbo iyo hooyo ah, ayaad isku hayn waydaye ma Soomaali oo dhan baad isku hayn kartaa?” Shirkaasi dantii laga lahaa waxa baajiyay indheer garad ay u muuqatay hataqda soo socota iyo hagardaamada ka dhalan lahayd.
Cabdullahi Macallin (AHUN) isagoo aan fiirinayn qaraabanimada iyo tolnimada ragga u yimid, wuxuu is barbar dhigay mudnaanta madaxwaynenimadu leedahay, aqoonta looga baahan yahay, miisaanka xilku mudan yahay iyo ragga horfadhiya tayo xumadooda. Waxase ka sii wayn inu Cabdullahi Macallin hor istaagay in magaca Murusade uu qof ku baabiyo Soomaalinimada.Waana taas arrinta maanta ugu foolxumada badan ee Carro Edeg taalla. Magac qabiil ayaa dad badan durbaanka loogu tumaya halkaasna waxa ku lumay tii waynayd ee Soomaaliyeed.
Reer carro edeg sharaftiina soo celiya