Puntland Progress Since The 90's

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Kala duwanaanshaha u dhaxeeya dhulkii gaari-waaga la oran jirey sanadihii 1960-kii ilaa 91-dii burburkii dowladdi Soomaaliya kahor.

Dhulka hataan la isku yiraado dhul-udug waqtigaas waxa uu ahaa mid gaari-waa ah marka la joogo koonfurta iyo gobolada dhexe oo dowladdu ku xooganeyd, wax horumar bulsho ahna kama jirin gobolada bariga.

Puntland xilligaas waxaa ku yaalley 17 Hosbitaal, imikana waa 1,150 Hostibaal lagu darey MCH-yo kala duwan.

Dugsiyada waxbarashadu waxay ahaayeen 45 dugsi haatanna waxay ka badanyihiin 1, 250 goob waxbarasho, waxaana goobaha waxbarashada dhigan jirey arday ka yar 4,000 imikana in kabadan 150, 000 oo ardey ayaa waxbarasho aada.

Jaaamacaddo ma jirin waqtigaas, haddana, 8 Jaamacaddood oo middiiba 3 farac lee dahay ayaa ku yaala meelo kala duwan.

Garoomo diyaaradeed majirin, haddana 2 madaar oo caalami ah iyo kuwa dhisme ku socda ayaa jira, sidoo kale 1 dekad ayaa jirtay, imikana middii 2-aad baa gabogebo mareysa.

Waxaa sido kale jira hay'addo dowladeed oo is-dheelitira, Dastuur iyo Calan umadda Puntland oo idil ka dhexeeya.

Waxaas oo horumar ah waxay ku yimaadeen iskutashi bulsho iyo kala dambeyn dowladeed. Bulshada Puntland walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa isku-duubnida iyo ilaalinta kala dambeynta horumarka intaa le'eg lagu gaarey, jaceylka Puntland ayaana wax walba ka horreeya, oo ka muhiimsan.

Ugu dambeyn Puntland ayada ayaa Federaalka sameysay hannaanka Federaalka Soomaaliyana qayb ayay ka tahay, walina wax la wada leeyahay ma dhawa, siyaasaddana waa ku kala arki duwananaan karaa, balse Puntland midnimadeeda iyo raadinta Sooomali l wada-leeyahay aan kawada shaqayno.
Puntland guul, horumar iyo isku-duubni.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane.

May be an image of beach and text that says PURE HD
 

Trending

Top