
Looks like Laftagareen won't be having Deni's support since Deni himself needs support as he is getting attacked inside Garowe by Puntlands presidential candidates.
Guuleed Saalax musharax madaxweyne says Deni wanted PM too and has now made PL bankrupt and worsened security
Gantaalaha Ridada Fog ee Barxadda uu ka ganayo Musharax Guled !!!
Musharax Madaxwayne Guled Salah "Walaalayaal maanta Puntland waxay maraysaa xaalad adag siyaasad ahaan, amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo adeeg bulsho ahaan. Waxaad la socotaan in muddo xileedkii maamulka hadda jira gabogabo yahay doorashana aan laga shaqaynayn ee muddo kororsi laga shaqaynayo taasoo khatar wayn ku ah xasiloonida iyo nabadgalyada, waxaad ogtihiin in dastuurkii iyo xeerarkii wadanka lagu falaaday oo dano gaar ah loo badalay, garsoorkii in xukuumaddu afduubtay oo xattaa ay awoodi waayaan dacwadaha la geeyay inay ka jawaabaan, hayβadihii dawladdu inay tabar iyo tayoba beeleen, shaqaalihii dawladdu inaysan muddo 6 bilood ka badan mushahaar aysan qaadan, amnigii inuu faraha kasii baxayo (Bossaso, Gaalkacyo iyo Garowe), dhaqaalihii inuu aad u liito, shaqo laβaantii inay sii badanayso, mashaariicdii horumarinta dano gaar ah loo joojiyay, adeegyadii bulshadu aad u liitaan oo dadkii reer Puntland gobolo kale oo dalka ah iyo dalal bannaanka ah ay caafimaad u aadaan. Waxaas oo dayac ah waxaa keenay hogaan xumada Madaxweynaha iyo tayo xumada maamulkiisa."
View attachment 296420