Puntland Education Quality Editorial

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Goodax Barre waa imtixaan- MAQAAL
by Horseed Staff
ShareTweet

Qofka la yiraahdo waa imtixaan waa qof gurracan, aan ka fiirsan hadalkiisa, ardaal ah, makaroofi ah, laba miyiri meel loo raaco laheyn.

goodaxbarre_.jpg

Maxaa loo yiri Goodax waa imtixaan?
Asagoon qiil iyo qodob sharci heeyn buu Goodax hor istaagay shahaadooyinka ardada Puntland. Dhowr jeerna ku gooddiyey in wasaaraddiisu aqoonsaneyn manhajka iyo imtixaanaadka Puntland.

Cabdullahi Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada dawladda federalka waxuu ku caan baxay hadallo qadaf ah. Wuxuuna ka firisanin hadallada afkiisa ka soo baxaya.

18/05/2019 waxuu ku dhawaaqay in imtixaanaadka Puntland fashilmeen.

“Imtaxaan waa fashilmaa. Saacaddaan la joogo, Puntland imtaxaanka aad qaadeysid wuu fashilmay. Waddamada deriska ah waa ka fashilmaa, Adduunkana wuu ka fashilmaa. Laakiin inta aan fashil ahaanta u dhowaanin fiiriya”, ayuu yiri wasiirka.

Waxaa xigey asagoo ka raalli geliyey Puntland hadalkiisaa uu ka fiirasan. Qoraal buu ku yiri “Wasiirka waxa uu ka xunyahay hadalkii uu ka jeediyay magaalada Jowhar kaas oo ku saabsanaa in imtaxaanka dowlad- goboleedka Puntland uu fashilmay”.

Waxuu wasiirku saa u yiri waa asagoo qiil u raadinaya fashilka iyo nidaam xumada ka aloosan wasaaraddiisa; liidashadaa buu la doonayaa heyadaha kale oo dalka ka jira.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland waa wasaarad waxbarasho tan ugu tayo fiican inta wasaarad waxbarasho ee dalka ka jira. Sidaa waxaa xaqiijiyey heyado badan oo Somaliya ka caawina nidaamka iyo agabka dugsiyada dalka: ha noqoto UNICEF, Save the Children, Africa Educational Trust, UKAID, USAID, iwm. Waxaa kaloo ka jira Puntland dugsiyo macallimmiintoodu ka timaaddo Jaamacadda Al Azhar ee dalka Masar. Waa Masaari ku xeel dheer qaabka wax loo baro ardada iyo manhaj gaamuray oo diini ah.

Tayada waxbarashada Puntland waxaa ka mid ah mashruuc dhawaantaan (July 2020) ka billaabmay dugsiyada Puntland oo ardadu wax ku baranayaan ONLINE. Waxaa mashruuan iska kaashaday (Microsoft iyo Cambridge University). Wasiirka waxbarshada Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan oo tilmaamaya hawshaan iyo heerka waxbarashada Puntland ayaa yiri:

wasirka_waxbarashada.jpg

“…Aradaydu waxay fursad u helayaan in ay helaan casharro tayo sare leh oo u dhigma ama la heer ah manhajka iyo muqarrarka dalka, taasoo looga gol leeyahay in waxbarashada caruurta Puntland aysan u garbo-duubnaan dhibaatada cudurka Covid-19 ee xirista dugsiyada…”
Kulliyadaha macallimiinta lagu tababaro barayaasha Puntland waxaa u dejisan manhaj la tayo ah kuwa dunida, ama ka sarreeya. Shahaadooyinka laga baxshana waa la mid.
ardeyda.jpg

shahaado-500x720.jpg

Waxaa jirta in Shahaadooyinka kulliyadaha Jaamacadd Ummadda Somaliyeed lagu xaraasho suuqyada Xamar iyo deegaannada u dhow. Waxaan arkay shahaado lafoole ah oo laga keenay Xamar, laguna soo iibsaday $100 (sawirka eeg).

Shahaadooyinkaa waxaa masuuliyaddooda leh wasaaradda Goodax uu wasiirka ka yahay
. Sidoo kale waxaa fudud in lasoo iibsado shahaadooyinka dugsiga sare/hoose ee Federalka. Wasiir Goodax asagoo dhoobadaa ku jira yuu afka lasoo gelayaa wasaarad tayo iyo nidaamba ka sarreeysa tiisa. Dhaleecada waa inuu joojiyaa. Dhaayihiisa wax ku dheehdaa. Goodax waa inuu ku daydaa kana bartaa nidaamka waxbarasho ee ka jira Puntland.

Waxa la gudboon Goodax Halka uu ka dhaleeceenayo oo uu lidka ku yahay Puntland, Goodax waxaa la gudboon inuu ka faa-iideysto khibradda iyo waaya aragnimada masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland.

Wasaaradda waxbarashada Puntland waxey jirtaa 21 sano. Waxey leedahay khibrad dheer oo isugu jirta maamul, tababar, manhaj dejin, kobcin iyo daryeel arday iyo macallimmiin. Waa dhab in intaas oo idil ka jirin wasaaradda Goodax. Waxa muhim ah, nidaamka kaa sarreeya inaad ku dayato, wax ka barato, oo aad la shaqeeyso. Ma aha inaad duulaan iyo dhaliil been ah la doonataa. Taa waa talo ku socota Goodax.
Qore. Yussuf Samatar: – yusuffarahsamatar@gmail.com
 
Last edited:

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
What a mighty Karbash to Goodax Barre who has been educated by a Puntite, rather then criticizing an education system that is superior to you, you should come and learn from it. That is exactly what I preach also, Somalis tend to criticize what is better then them, how will u progress or advance if you don't go and learn from what is better then u? horumarku lagama xishoodo, hadu meel ka fican yahay, u need to run there, even Islam teaches this basic fundamental to muslims to even reach china and the ends of the world if it means adding knowledge.

Somalis prefer to spread their failure and apply it to other region so it can be a shared experience but those days are gone in federalism, those days were possible in centralism, but now those tactics will not work, the only one who will lose out is your region and people.
 

Yusuf M

PuntExit
What a mighty Karbash to Goodax Barre who has been educated by a Puntite, rather then criticizing an education system that is superior to you, you should come and learn from it. That is exactly what I preach also, Somalis tend to criticize what is better then them, how will u progress or advance if you don't go and learn from what is better then u? horumarku lagama xishoodo, hadu meel ka fican yahay, u need to run there, even Islam teaches this basic fundamental to muslims to even reach china and the ends of the world if it means adding knowledge.

Somalis prefer to spread their failure and apply it to other region so it can be a shared experience but those days are gone in federalism, those days were possible in centralism, but now those tactics will not work, the only one who will lose out is your region and people.
Misery loves company.
 

Mozart

You need people like me
This whole thing started because of sell out puntites lol the education minister who first refused scholarships abroad to students from Puntland was from Puntland himself and Gaas was PM
 

Trending

Top