Puntland ayaa Dawladda Federaalka uga digtay inay khilaaf kala dhex-dhigto iyaga iyo Galmudug , Wasiirka Caddaaladda oo Gaalkacyo warbaahinta kula hadlay ma bixin faahfaahin waxa uu yahay khilaafka, balse wuxuu tilmaamay ‘Madaxweyne Xasan, wuxuu dhaqanka u lahaa ee mashaakiilka ahaa inuusan dhex dhigin , Mudug, Puntland iyo Galmudug’.
Hadalkan ayaa ku soo aadday , xilli la filayo inay Gaalkacyo soo gaaraan xubno ka mid ah mas’uuliyiinta Federaalka ee matala gobolka Mudug, gaar ahaan Xildhibaanno ka tirsan labada Gole oo ujeeddada socdaalkooda lala xiriiryay inay xal u raadinayaan dilalka aanooyinka ee qabaa’ilka oo dhaawacay xasilloonida gobolka Mudug.