President XSM gives Speech at Oath Ceremony for new Gorgor Battalion

IKHALIIL

WW3 ENJOYER

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom uga qeyb galay munaasabad lagu dhaariyey urur cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Gorgor oo tababar loo soo gabagabeeyey.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn aad ula dardaarmay ciidanka tababarka loo soo xiray, isagoo ku booriyey inay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen oo daacad ay u noqdaan shaqada qaranka.

Xoreynta dalka ayuu Madaxweynuhu aad uga hadlay, isagoo sheegay in cadowga ugu daran ee umadda Soomaaliyeed ay leedahay uu yahay Khawaarijta.

Xasan Sheekh ayaa ciidanka kula dardaarmay inay isku diyaariyaan dagaalka cadowga, isagoo ku wargeliyey in dagaalka dowladda uga furan gudaha dalka deg deg u soo gabagabeeyaan, si cadowga dibadda ay ugu diyaar garoobaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday damaca waalan ee Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya, isagoo ku hanjabay in mar dambe aysan suurta-geli doonin Itoobiya qaadato dhulkeena, iyadoo mid hore uu ku maqnaa.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dowladiisu ay qaadi doonto talaabo kasta oo lagu difaaci karo sharfta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isagoo ku faanay sida isirka Soomaalida uu ugu suntan yahay halganka.

Dhanka dagaalka Al-Shabaab wuxuu sheegay Madaxweynuhu in istiraatiijiyadda dowladda ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro, isagoo sheegay in guulo badan laga gaaray dagaalka.

Ugu dambeyntii madaxweynuhu wuxuu tilmaamo qota-dheer ka bixiyey arxan darida Al-Shabaab, isagoo mar kale ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda aysan iska siin argagixisada, si dadkooda aan loogu halaagin.
 

Pastoralist

Dhib marku wah nokdo, Isku tiirsada
VIP
We need 100k soldiers minimum. All money generated from the oil should be put into projects which will boost our gdp to pay for weapons and soldier salaries. Turkey overseeing this so I know a certain man isn’t going pocket the oil money.
 

Trending

Latest posts

Top