Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Muuse Biixi
XAFIISKA AFHAYEENKA M JSL/VILLA SOMALICopyright: XAFIISKA AFHAYEENKA M JSL/VILLA SOMALI
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax-banaaninda ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya.
Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa la sheegay inay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.
“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.” Ayuu ku yiri qoraalka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go'an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.