Gaalkacyo-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay magacaabay guddi doorasho cusub, maalin kadib markii uu kasoo horjeestay howlaha dhismaha maamulka Galmudug oo ay gar wadeenka ka tahay dowladda dhexe.
Qoraal uu soo saaray Xaaf, ayuu ku magacaabay guddi ka kooban 11xubnood, waxaana uu ku armay inay soo xaroodaan ugu dambeyn 10-ka bishan Janaayo.
Xaaf ayaa sidoo kale guddiga uu magacaabay waxa uu faray in guddoomiye iyo ku xigeenkiisa ay doortaan ugu dambeyn 12-ka bisha Janaayo markii ay yeeshaan kulankooda ugu horeeya.
Magacaabistan ayaa timid maalin un kadib markii Xaaf uu sheegay in isagoo tix galinaya dastuurka dalka iyo kan u gaarka ah dowlad goboleedka Galmudug, uu dib ula laabtay awoodii uu horay ugu wareejiyey wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale Xaaf ayaa amray golihiisii wasiirrada iyo dhamaan howl-wadeenada kale ee maamulka inay ka shaqo bilaabaan xaafiisyadooda ugu dambeyn 15-ka bishan Janaayo 2020.
Dhinaca kale guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ee ay magacaawday dowladda federaalka ayaa shalay aqbalay 20-ka xildhibaan ee ay soo gudbisay Ahlu-Sunna, taasi oo u muuqata inay ugu dambeyn xalin doonto khilaafkii ka dhaxeeyey dowladda iyo Ahlu-Sunna, balse tallaabooyinka uu qaaday Xaaf ayaa mugdi cusub gelin kara xaaladda doorasho ee Galmudug.
N&N still naive on politics game. PL in one word they bring xaaf back and hold anti N&N plans for Galnus. We as Puntlanders will not let our southern garden to be under N&N.
Anyone has no blessing from PL will not rule Galnus.