PL capture weapon smugglers in Bossaso

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
KOOX WATAY HUB IYO RASAAS BADAN OO BOOSAASO LAGU QABTAY

1-23.jpg

Laamaha kala duwan ee Amniga Gobolka Bari, ayaa xalay hawlgal qorshaysan ku qabtay koox rag ah oo hub iyo rasaas badan watay.

War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in Laamaha kala duwan ee Ciidanka oo hawlgal wadajir ah fuliyay ay gudaha Boosaaso ay ku qabteen koox rag ah oo hub iyo raasas badan sitay.

Talisku wuxu sheegay in haatan baaritaan ku socdo kooxda hubka lagu qabtay, islamarkaana dib laga shaacin doono natiijada baaritaanka ka soo baxda.

Hawlgalka waxa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda, Madaxtooyada iyo Booliiska gaarka ah ee PMPF.

PUNTLAND POST
 

Latest posts

Top