Oromos wants to purify Diri-dhabe from Somalis

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Interahamwe
VIP
Ugu yaran 50 Qof oo u badnaa Soomaali ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhafay lagu dilay magaalada Diri-dhabe ee dalka Itoobiya, kadib rabshado ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Rabshadahan oo ahaa kuwa xoogan ayaa yimid, ka gadaal markii ay isku dhaceen Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee wada daga magaaladaasi.

Waxaana la sheegay in Qowmiyadda Oromada shalay weerar xoogan ay ku qaadeen goobo ay daganaayeen Soomaalida ku dhaqan magaaaladaasi Diri-dhabe.

Dadka ku dhintay shaqaaqadaasi ayaa la sheegay in qaarkood lagu gubay guryo ay daganaayeen, kadib markii dab la qabadsiiyay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Qowmiyadda Oromada ee rabshadaasi ka dambeeyay iyana laga dily illaa iyo 24 Qof.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top