Only Af-Soomaali experts can read and understand this.

Status
Not open for further replies.
Berigii taleefanku waddanka ku cusbaa, adigu horraantii sanadkii 1999 meelahaa ayaa guri walba taleefan layna lasoo dhigay. Markaasaa afar lanbar uun baad garaacaysaa, ka dibna meel uun buu ku dhacayaa magaalada ka mid ah.

Waar adigu waxba yaan hadal kugu daaline, dadku wax aan cay ahayn la isagama miisi jirin,

"Hallooow, halloow, waar halow dee waa kuma, waa tuma'

"Oo adigu yaad ahayd dee,.adaa nasoo garaacaye,

'Naa ii dhiib kan anaa cashar u dhigayee, "intay laba naagood isku kaa dul qabsadaan taleefankiiba" waar kaalay fataal yahow, maxaad noo soo garaacaysaa?

"Hayaay markaasaa caydii la isu toombinayaa, wiiwaaa, dee miyaan cayda kuu sarrifi karaa iyadoo, ballastic missiles iyo nuke ah ayaa hawada la is dhaafinayaa.

Waar dee ma fahanteen?
 
one

ᶜᵃʷᵒ ᶜᵃʷˡᵒ
:yacadiim:Kadibna?

Ma intaasoo qudha ayaad la soo macshar timid?

Sheekadu madhax weeye, wax kale ma haysaa.
 
Waar kaalay illeen meesha waa ls is wada gaabinayaa, waxaan is lahaa 'Dhaqan Celis' ayaa iska soo fadhiyee.

@Idil-Beydaan

Toombi, soo toombi, ii toombi, warka toombi waa yacni wax la badinayo ama lasii wadaayo.
 
@Anab Lol.. Si fiican baan u fahmay sheekadaada, alla waa berigii waayuhu ii wacnaayeen: igadaa ha isoo xasuusine. Caruurnimadaydii markaan soo xasuusto waan qiiroodaa...sheekooyinka noocaas ah dhowr maalin walba waan samayn jiray anabeey inkastoo aan si fiican u caqlisaday markuu soo baxay telka Nokia oo si aad alteeno(netw) u hesho kor loo qaadi jiray...waayo tagay oo aan soo noqonayn dheh
 
Xasuus fiican bay kuu keentay kkk. Hadday wakhti dheer ay soo dhaaftey xiligaa qof weyn baa tahay ayaan filayaa. Sxb sawirka kuu saaran ma liido beach baad joogtaa? Mise adigi maahan
 
Xasuus fiican bay kuu keentay kkk. Hadday wakhti dheer ay soo dhaaftey xiligaa qof weyn baa tahay ayaan filayaa. Sxb sawirka kuu saaran ma liido beach baad joogtaa? Mise adigi maahan
Sidaas uma weyni runtii kuwo badanoo aan afka gacmaha ka qabsado markaan maqlo da'dooda baa meeshan member ka ah aniguse wali iga aysan imaan bahashii kkkk
Mayee kan yaroo ii saaran waa shoodahayga bosaso beach
 
kkkkk qosol wallahi. Qaar badan baa is qarinaayo oo sii maraayo kontonkii kkkkkk. Aniga maya, xasuus noocaas ah ma lehi. Xasuusteydii ciyaalnimada waa kartoonka aan daawan jiray kkkk
 
kkkkk qosol wallahi. Qaar badan baa is qarinaayo oo sii maraayo kontonkii kkkkkk. Aniga maya, xasuus noocaas ah ma lehi. Xasuusteydii ciyaalnimada waa kartoonka aan daawan jiray kkkk
Hayaaay! Konton! Suuragal maaha muxuu ka qaban konton jiri halkaan?
Adigu ciyaal ton and je miyaad ahayd 90kii la dawaan jiray? Da' baa ku heysee?
 
BirtaanJabin

DalJecel the DhafoorQiiq
VIP
They're talking about fhe time Every house got landline phones and they were only able to dial 4 numbers and you'd call or get a random call from someone and itd become an insult fiesta and the Nuke And ballistic missle is an expression
 
Hayaaay! Konton! Suuragal maaha muxuu ka qaban konton jiri halkaan?
Adigu ciyaal ton and je miyaad ahayd 90kii la dawaan jiray? Da' baa ku heysee?

Mooji wallah. Dad aan la yaabay baa meesha jooga. Tom and jerry kkkkkkk. Haaaaaa, aabahay baan la daawan jiray markaan yaraa
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top