One of Alkabab founders run from Jiliib, now he is in hand of JL authority's.

FBIsomalia

True Puntlander
VIP
FB_IMG_15809824358112107.jpg


Dowladd goboleedyada Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Ugaas ka tursanaa Al-shabaab.

War lagu baahiyey warbaahibta dowladda Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka degmadda Af-madoow uu isku soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaan Maadeey.

Waxay Jubbaland sheegtay in Ugaasku uu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee ay sameysteen Al-shabaab, isagoo Ugaas u ahaa beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega degaanada Jubbaland.

Jubbaland oo sidoo kale baahisay sawirka Ugaaskan ayaa sheegtay in uu laba cisho ka hor ka soo baxsaday degmada Jilib, kadib markii Al-shabaab dhibaato u geysteen, sida ay sheegtay.

PUNTLAND POST
 

Trending

Top