As long as all this is happening, do not expect that Somalia will do anything 
The Ethiopians control airports, borders, and some border towns and villages
𝟭- Qaadka (jaadka) Itoobiya weli wuu yimaadaa, weliba qandaraaska waxaa heysta dad la yaqaan oo Villa Soomaaliya aad ugu dhow.
𝟮- Ciidamada Itoobiya ee aan ku jirin Hawlgalka ATMIS waxay gaarayaan 2kun (siday xaqiijinayaan saraakiil iyo diblomaasiyiin) illaa haddana waa joogaan.
𝟯- Amniga garoomada Baydhabo, Beledweyne, Xudur, Waajid, Kismaayo, Doolow iyo Baardheere waxaa gacanta ku haya ciidanka Itoobiya. Dhulka u dhexeeya Xuduudda laba dal iyagaa maamula amnigiisa. 
𝟰-Diyaaradda Itoobiya illaa hadda way timaadaa.
𝟱- Safiirkii Itoobiya shalay ayuu ku soo laabtay Xamar.
𝟲- Safaaradda Itoobiya ee Xamar waxay ku dhex taallaa Villa Soomaaliya, hawsheedana waa wadataa. Halka Hargeysa iyo Garowe ay ku yaallaan labo qunsilyad oo hadda heerkooda sare loo qaaday.
𝟳- Barnaamijka Visa on Arrival ee Itoobiya iyo Soomaaliya weli waa sidiisii.
𝟴- Soomaalida caafimaadka u doonata Hindiya waxaa visa-ha Hindiya laga siiyaa Itoobiya, waxaana sidaas yeelay oo dalbaday Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamse oo faa'iido dhaqaale ku qaba. 
𝟵- Garoonka Addis Ababa (Bole International Airport) waa kan isku xira dhammaan rakaabka Soomaalida ee u kala safra Yurub, Afrika iyo meelo kale oo caalamka.
𝟭𝟬- Heshiisyadii Itoobiya lala galay oo uu ugu dambeeyay kii lasoo saxiixay November 2023 iyo kuwa kaloo badan weligood barlamaanka lama tusin, waxa ku qorana lama yaqaano.
𝟭𝟭- Shaqaalaha dowladda, Maamul goboleedyada, siyaasiyiin iyo masuuliyiin hadda xilal haya oo baasaborka Itoobiya wata waxay kor u dhaafayaan 200 qof.