Murtaddiinta Liyuu Boolis kills innocent girl

Status
Not open for further replies.

SomaliWadaniSoldier

Weeping for the Nation of 68
Interahamwe
VIP
Wararka laga helayo dowlad deegaanka Somalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Qabridahar ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada loo yaqaan Liyuu Boolis ay halkaasi dil fool xun ugu geysteen gabar kamid ahayd dadka kunool magaaladaasi.

Allaha u naxariistee gabadha oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Cumar Maxamed Salal, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu Booliis ay u dileen qaab naxdin leh kadib markii ay ceejiyeen iyadoona lasoo wariyay inay isla goobta ay ku ceejiyeen ay ku geeriyootay.

Cabdirashiid Cali oo walaal la ah marxuumadda ayaa xaqiijiyay dilka walaashiis marxuumad Taysiir Food Cumar Maxamed Salal.

Lama oga sababta ka dambeysa inay ciidamada Liyuu boolis qaabkaas arxan darrada ah u dilaan gabadhaasi,waxana dilka si weyn uga argagaxay shacabka kunool magaalada Qabridahar ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa xadgudubyo ka baxsan bini’aadminimada ka geysta qaar kamid ah gobollada dalka iyadoona aysan jirin cid wax ka qabata dhibaatooyinka foosha xun ee ay ciidamadaas u geystaan dadka aanan waxba galabsan.



I wonder why she was killed.
Was she against the Aidstopian occupation and the liyuu boolis apostate militia?
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top