Muduloodka waa niman qab weyn waana noo madax...

Raali gelin Hiraab

Muduloodku waa niman qab weyn waana noo madax
Meyrax soo jireena iyo duub mug iyo taariikh leh
Waa niman martabad dhaqan lahaa oon mariirixin
Markaan hananey hashii maandeeq oo gobanimada nala muhiimsiiye
Maay ii Maxaa tiri ninkii mayalka loo dhiibay
Ninkii Qaranka maarey la yiri curatey Maandeeqe
Marooqsiga ninkii diiday ee maaxda yiri qeybsha
Meertadana jideeye oo xeerka noo muday
Mihindisyada SYL dhisay oo magaca dheer keeney
Mafiada Talyani ragii tooda yiri maahan
Mujahideentii leegoo haldoor muuqda kulahaa
Majaajile dareen jiiteyaal ah oo miiran laga dheehdo
Guurow lala madeexaa iyo shirib maanso iyo heeso
Masraxyada dad laga jecelyahay oo loo marxabeynaayo
murtiyo badan baa ka kacay iyo maahireen gabay
Militariga Soomaliyeed Madaxdii aas aastay
Moraalkodi quburadii kobciday oo cadowga maasheysey
Marshalkii ugu sareeyee ahaa Macalin Daauud
Farta maqasha lagu tababaroo ubadka loo meersho
Qoraalkaan mahadinay oo dhaxalgalkaa oo milkigoo yaal ah
Aqoonyahankii miisamey bey u mamanaayeen
Waa niman lix Madaxweyne helay iyo maxaakiim
Waa niman aan masaafirin markey talada meershaan
Waa niman aan qaxooti u mahan oon gaal miciin bidin
Waa niman aan shisheeye u maleynin iney masruufaan
Waa niman aan midig horsan oon carabi meeleyn
Waa niman muqanac ku ah iney miraha beertaan
Xaajada markey murugto waa lala majeertaa
Waa niman u muujiyo walaal miraha Soomaal
Waa niman qaba mabda'a shantii iney midoobaan
Waa niman ciddey malab u shubaan sibir magowsiin

Muduloodow iyo weliba Abgaal Cismaanow walaalahey baa tihiin madaxdeenaa tihiin waana idinka raali gelihaa warka maanta na dhex maray oo micnaha keeneynin. Inta gaadaha joogtaa jecel murankeena ee hadaan hiraab wada nahay cafis iyo masaamax anagaa dadka dad iskugu xigna waa na isdilnaa waana heshiinaa saas ayaa walaal lagu yahay ee warkeyga aan maanta iri dhuuso geel ka soo qaada midka aan hadda qoraa ayuu maankeyga qabaa waana intey Mudulood yihiin oo sax ah, waxii waxaas ka hooseeyo waa quraafaad FKD laga keene iyo war aan jirin.

Muduloodku waa niman qab weyn waana noo madax.
 

bidenkulaha

GalYare
Apologies to beesha madakaris hiraab for the unprovoked sneak dissing thread. the only somali clan that probably has no ill or cuqdad towards us. hiraab unity my brothers @MenacingGeeljire @Gaban @bidenkulaha :banderas:
It’s alright brother. Muqdisho waa gof mudulood. Sometimes it comes across we disrespect that and the jealous haters of mudulood laandheernimo use it to provoke y’all. Whatever said here don’t bare reality on the ground
 

Trending

Latest posts

Top