Mogadishu Port Taxed By Shabab

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay weli xooggantahay marka loo fiiriyo dakhliga ka soo galo magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay canshuur ka qaaddo konteennar kasta oo soo dega, wuxuuna baaddaas ku tilmaamay mid kamid ah waxyaabaha keenay sii jiritaanka Al-Shabaab.

“Waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay Al-Shabaab canshuur ka qaaddo dekedda Muqdisho, mana jirto cid dhaqaaq maaliyadeed sameyn karto iyadoona meel la saarin lacagta badda ah ee Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Wuxuu intaa ku sii daray “Waxay na tusineysaa in awoodda dhaqaale u saamaxeyso inay geystaan weerarro laayaan ah oo galaaftay nolosha dad badan, waxaana ka xusi karaa Xasuuqii 14-kii October 2017, oo aan ku weynay 600 oo rayid ah ka badan”.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ee haatan jirto masuul ka tahay in Al-Shabaab sidaa u xoogeysato, wuxuuna caddeeyey in iyadoo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa oo ka dhaqaale yareyd tan haatan jirta, ka Ciidan yareyd, kana caqabado badneyd ay ku guuleysatay inay wiiqdo Al-Shabaab oo ka saarto Muqdisho iyo gobollada Dalka qaarkood.

“in Xilligaan laga adkaan waayo Al-Shabaab waxay na tusineysaa in la dagaallanka kooxdan aan la siin muhiimaddi uu lahaa” ayuu yiri Sheekh Shariif.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
This is ridiculous, it's time to remove Farmajo who has failed to deliver a single security objective in his 4 year term. In-fact when u calculate how much of the budget is dedicated to security and have reports that shabab is taxing the national port, it's time to declare the government has failed to achieve it's mandate. These shababi even control Dhusomareeb population and demand they use Shabab courts in harar-dheere.
 

Trending

Top