Mareykanka oo duqeyn ku dilay ‘maamule ka tirsanaa shirkada Hormuud’
February 24, 2020
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaa galabta duqeyn lagu dilay madaxii shirkadda Hormuud faraceeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, ayaa laba gantaal lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel banaanka ka ah degmada Jilib halkaasna uu ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Maxamuud ayaa da’diisa lagu sheegay 60-sano jir, mana jirto cid kale oo wax yeelo kasoo gaartay duqeyntaas. Welina lama oga sababta loo beegsaday maamulaha shirkadda Hormuud laanteeda degmada Jilib.
War-saxaadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee AFRICOM, ay galabta duqeymo cirka ah ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Ad by Valueimpression
Warkan caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo duqeymahaas kasoo gaaray dad rayid ah.
Sidoo kale taliska Mareykanka ee AFRICOM oo war kasoo saaray duqeyntan ayaa sheegay si lamid ah kan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, in duqeyntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.
Hormuud waxay sheegtay in shaqsiga la dilay uusan ka tirsaneyn wax koox ah.