You don't have permission to view the spoiler content.
Log in or register now.
Muqdisho (Caasimad Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad cakiran ay ka taagan tahay deegaanada xuduuda goboladaasi, gaar ahaan deegaanka garasle ee hoostaga dagmada lababaar oo ku yaalla xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida
Ciidamada Liyuu boolis ayaa toogasho ku dilay dad shacab ah oo ku noola deegaankaasi, midaasi oo dhalisay xiisad hor leh oo xoogan.
Liyuu booliska ayaa toogtay dadkaasi shacabka ahaa kadib markii uu muran xoogan dhex-maray dadka deegaanka Garasle oo iyagu ka horyimid talaabooyin ay ku kaceen ciidamadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Liyuu boolisku ay si ula kac ah ay u duugeen dhowr barkadood oo dadka deegaanka Ismadhaqo iyo xooluhuba ay ka cabi jireen biyaha.
Talaabadaasina ayaa horseeday inay qaraxdo xiisada ka dhex oogan dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu booliska, iyada oo ay bilowdeen abaabulka maleeshiyaad lagu xoojinayo dagaalka kala dhaxeeya ciidamdaaasi.
Waxaana laga dareemaya deegaanadaasi saan-saanta colaad hor leh iyo xiisada ka dhex oogan ciidamada Liyuu booliska iyo dadka deegaanka oo isku abaabulay qaab maleeshiyaad hubeysan ah.
Share this:
My Reer Galmudug Bros, @Dalalos @Mckenzie @Samaalic Era @Galool We Galmudug must stand united or be defeated as a divided folks, we need to send an clear message to Reer Liyu Police that Galmudug will strike Hard when messed with.