@Reer-Bari
Magaalada Murcanyo waa magaalo xeebeed ka tirsan degaanka Caluula magaalada Bosasona u jirta 79 mayl dhinaca bada waa magaalo qadiim leh
Waxaa la asaasay qiyaastii 1780 -1790 waxaa tiirkii ugu horeeyay ka taagay ergaygii la oran jiray Faatax Faahiye oo ahaa nin Cismaan Maxamuud ah.
Waxa uu ahaa Faatax ergay uu boqor Maxamuud Hawaadane u xilsaaray in uu xaliyo khilaaf ka jiray sida loo kala xadaynayo xijiyada ku yaalay buuraha sare ee Murcanyood
Khilaafkaas oo ahaa khilaaf soo nonq-noqday Faatax waxa uu noqday nin aad ugu guulaystay xad u samaynta xijiyada sida beelaha loogu qaybinayo iyo in uu noqday ninkii ugu fiicnaa ee xaliya hawlaha xijiyada xiligaasu waxa uu ahaa xili dadkii bariga deganaa ay kusoo bilaabatay in maydigu suuq fiican yeesho gaar ahaan suuqii cadmeed
Fatax Faahiye waxa uu ahaa nin ilbax ah oo mudo ku soo noolaa magaalada Harar, waxa uu ka bilaabay deegaanka Tayeega ceelkii u horeeyay oo qodaal ah waana ku guulaystay in uu helo biyo macaan badan oo ah asaaskii iyo saldhigii ugu horeeyay oo ay noqoto degaan
Waxay noqotay magaalo ganacsi waxaa usoo guuray magaaladii Murcanyood boqor Cismaan Maxamuud Xawaadane oo ahaa ninkii ka dhaxlay aabihii boqortooyada
Boqor Cismaan Maxamuud Xawaadane kama fogayn magaalada Murcanyo waxa uu deganaa meesha la dhaho sankacad oo Murcanyo u jirta 3km ceel ahaana waxa uu isticmaali jiray ceelka ladhaho haqayn
Markuu boqorku degay Murcanyo waxa ugu horeeyay uu asaasay waxa uu ahaa masaajidka la yiraahdo masjidka degta waxa kale oo uu sameeyay guri uu leeyahay iyo barxad safarku degaan iyo meel uu dadka ku qaabilo
Murcanyo tartiib tartiib ayay usoo waynaatay waxaa bilaamay safaro ka imanaya carabta oo doonyaleey reer Yamaneed ah ayaa bilaabay in ay badeecado keen sadan Murcanyo
Murcanyo markii la soo gaaray 1818 kii geeridii boqor Maxamuud Xawaadane oo uu xukunka boqortooyada gacanta ku dhigay boqor Cisman Maxamuud Xawaadane waxay noqotay caasimadii dhulkii la oran jiray Majeerteenya
Boqorku waxa uu sameeyay maamul magaalada Murcanyo, waxa uu dekada ama xaga bada loo dhiibay wiil uu dhalay asaasihii magaalada faatax fasahiye wiilkiisana waxa la oran jiray cabdi faatax faahiye markay taariikhdu ahayd 1843-1844 kii
Waxaa dhulka Soomaaliya yimi kaaliyihii xaga siyaasada wakiilka uga ahaa Cadan ninkaasu waxa uu yimi Murcanyo
Murcanyo waxa uu ku qeexay xiligaas ama ku macneeyay waxay ahayd meel uu boqor Cismaan Maxamud xawaadane dajiyay caruurtiisa waqtigaas
Murcanyo waxay ka koobnayd 85 guri faraasiladii maydiga ahayd waxay joogtay 1.5$ miisaan udhigma 12kg
Waqti ku dhaw hal sano ayuu joogay Murcanyo iyo Xaafuun ilaa dhulkii la oran jiray Majeerteenya
Murcanyo waxaa xiligaa joogay Nuur boqor Cismaan Maxamud Xawaadane oo xukunka u hayay wiilkii uu dhalay walaalkii aad iyo aad ayuu ugu amaanay qoraalkiisa safirkii Ingiriisku
Nuur Cismaan waxaa markii hore dhexmaray dagaal Nuur waxa uu ku qabsaday sababta uu dhulka kusoo galay baryo badan oo safiirku sameeyay waa ka aqbalay ( xigasho W K durril ) ( a garrison)
Nuur markii lasoo gaaray 1854 waxay boqortooyadu usoo guurtay dhinaca Dharoor iyo Xaafuun labadaa meelood ayay ka dhexaysay
Waxaa magaaladii Murcanyo maamulkeeda la wareegay Shurwac boqor Cismaan waxa uu ka sameeyay xukun ku dhisan shareecada islaamka
Waxuu magaalada usameeyay qaadiyaal waxii layaabka lahayd waxay ahayd Murcanyo waxay yeelatay meel lagu ciyaaro ciyaarta kobraha layiraahdo waqtigii Shurwac Cisman
Waxaa kaloo magaalada Murcanyo yeelatay meelo fardaha caws loogu beero sida beeraha garsa qayb kamida tababarna lagu qaato maxaa yeelay xiliyadaas waxaa bilaamayay colaado sokeeye oo Soomaliya ka jiray
Markii lasoo gaaray dhamaadkii qarnigii 19 aad iyo bilawgii kii 20 aad waxay Murcanyo ahayd dhulkii ugu fiicnaa xaga dhaqaalaha degenaanta iyo magac ahaanba dhulkii majeerteenya la oran jiray
Markii uu bilaamay halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxay ahayd meelahii uu ku xusay geeraaradiisa midkood waxuu yiri
Majeerteen markaan maqalay manki baajeclaystayoo milmil reerka oo yaal dib usoo majiirayoo muxubo ugu soo raray murcanyo iyo baargaal
Waxaa xusid mudan ragii uu sayid maxamed dilkooda iyo dagaalkooda ku diganayay sida guray shurwac iyo bile samantar ay ahaayeen rag reer murcanyo ah waxaa kaloo kamid ahaa Axmed Samantar oo usaguna sayid maxamed ku difaacay gabay markii lasoo gaaray 1927 waxa gumaystihii talyaanigu murcanyo ka dhisay guri kastam loo isticmaalo iyo degaan ay kunastaan sahmiyaashii macdan baarayaasha ahaa oo bilaabay 1928 shaqadii u horaysay ee sahminta macdanta isla waqtigaasba waxa gumaystihii talyaanigu u aqoonsaday odaygii magaalada togox shurwac boqor Cismaan oo da wayn ah waqti yar kadibna waxaa geeriyooday togox waxaa loo doortay in uu nabadoon magaalada ka noqdo wiilkiisii nuur togox shurwac magaalada murcanyo markii ay bilaabatay
Dhaq-dhaqaaqii leegada SYL aad bay ugu adkaatay hirgalistii iyo xoogii ay leegadu ku lahayd degaankii Caluula waayo Murcanyo waxaa xoog ku lahaa xisbigii talyaaniga raacsanaa dadaal badan kadib markii xoghayihii leegada ee Murcanyo uu noqday (Calasow Ismaaciil Samantar Boqor Cismaan ) ayay xoogsatay wax yar kadibna Caluula xoogeedii oo dhami waxay noqotay xisbigii SYL
Waxa ay ahayd degaanadii ugu xooga badnaa leegada dhulka Soomaalidu degto 1956 waxay Murcanyo lahayd hal nabadoon oo ahaa Nuur Togox Shurwac
Waxaa isla sanadkaas degaanka Caluula laga sameeyay 3 sandiko oo kala ah Bareeda, Caluula iyo Murcanyo kadib markii uu barmaamijkaas uu keenay DC degmada Caluula Maxamed Shiikh Bin Shiikh laga soo bilaabo 1956 ilaa1970kii Murcanyo waxaa duq magaalo ka ahaa Xaaji Yuusuf Ciise Cali
Markii uu kacaanku xukunka qabtay Murcanyo waxay ka mid noqotay tuulo kamid ah tuulada Caluula
Murcanyo imika waa magaalo soo koraysa waxay leedahay beero khudaareed iyo xiji
https://horseedmedia.net/2014/11/02/maxaad-ka-taqaan-taariikhda-degmada-murcanyo/amp/