Wasiir Dhabancad: Ra’isul Wasaaruhu Wuu diiday Hanaankii iyo Maqaamkii Aanu ugu Talagalnay
July 10, 2019 - By: Omar Akhyaar
FacebookTweetEmail
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadashay socdaalkii maanta uu ra’isul wasaaraha dowladda federaalku uu ku yimid qaybta waqooyi ee magaaladda Galkacayo.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad oo shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo ayaa ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha inuu diiday hanaankii iyo maamuuskii ay ugu talageen.
“hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay
Haddii aanu aragnay wixii ilaahay maanta na tusay, waxaan maqli jiray cimrigaaga, maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.
Wasiirku wuxuu raaligalin iyo cudur daar u diray isimadii iyo cuqaashii uu sheegay inay u diyaargarobeen soo dhaweynta ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.
Ra’isul wasaare Khayre oo labadiii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaan Galkacayo ayaa waxaa maanta garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Siyaasiyiin, Waxgarad iyo dhalinyaro