• This website is being upgraded. Theme is temporary.

Kheyre Backstabbed By Galmudug President

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
MAXAY KA WADAHADLEEN KHEYRE IYO QOORQOOR?
Kheyre-iyo-Qoorqoor.jpg

Ra’iisul Wasaarihii hore ee la riday Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Kheyre ayaa sheegay inuu kulan miro dhal ah la qaatay Qoorqoor ayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo kaalinta Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu madaxweyne Qoorqoor kala hadlay xaaladda Galmudug iyo wixii u qabsoomay.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaar ah ee Facebook.

Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal weyn ku bixiyay dhismihii Galmudugta cusub ee lagu doortay Qoorqoor, ilaa iyo hadda saameyntiisu waa id ka jirta degaanada Galmudug.

Dhnaka kale waxaa la sheegaa in Qoorqoor ku lug lahaa riditaankii Kheyre, waana markii ugu horreysay oo ay kulmaan tan iyo 25 Luulo 2020, iyadoo ay muddo ku wada sugnaayeen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada dalka, doorashada la filayo inay dhacdo sanadka dambe ee 2021.
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
It's so sad, Kheyre helped build and back this qoorqoor and he turns around and then joins in with Farmajo to oust the same man who got you in power. Abaal-xuma wuxu, no principles whatsoever in hawiye
 

Crow

Make Hobyo Great Again
VIP
It's so sad, Kheyre helped build and back this qoorqoor and he turns around and then joins in with Farmajo to oust the same man who got you in power. Abaal-xuma wuxu, no principles whatsoever in hawiye
Hawiye has always been Hawiye's worst enemy. That's what makes them so easy to manipulate.
 

Trending

Top