ππππππππππ: Dhismaha Suuqa Jubba Jawaan oo meel wanaagsan maraya.
Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq Muxiyadiin Aadan Cali oo ay weheliyaan xog'haya dowladda hoose ee maamulka,agaasimayaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa kormeer ku tagay suuqa Jubba Jawaan oo dhismihiisu meel wanaagsan marayo.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa mid mid u kormeeray Miisaska,Dukaamada iyo Xafiisyada uu yeelan doono suuqaan oo ah mashruucii ugu horreeyay oo noociisa ah oo laga hirgaliyo degmadda Caabudwaaq.
Guddoomiyaha degmadda Caabudwaaq Muxiyadiin Aadan Cali iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Howlaha Guud ee dowlad goboleedka Galmudug Khaalid Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in Bulshada Caabudwaaq uu faa'iido badan u noqon doono suuqaan.